3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2013
Shirka maamul u sameynta Gobollada Jubbooyinka oo la filayo inuu goor dhow ka furmo Magaalada Kismaayo

Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Kismaayo laga dareemayaa diyaar garow ku aadan sidii dib loogu ambaqaadi lahaa shirkii maamul u sameynta Jubooyinkii, iyadoona maanta ilaa shalay ay garoonka diyaaradaha Kismaayo ka dagayeen masuuliyiin kala duwanayd ee shirka ka qeyb qaadan lahayd.

Wufuud ka kala timid qeybaha kala duwan ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo, magaalada Muqdisho iyo weliba magaalada Nairobi ayaa soo gaaray Kismaayo kuwaasoo la filayo in ay ka qeybqaataan shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Jubooyinka.

Mid kamid ah odoyaal dhaqameedyada ka qeyb galaya Shirka oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa HOL u sheegay in la filayo in maanta ay bilowdaan shirar hordhac ah oo ay yeelanayaan wufuudda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirka, wuxuuna xusay in la filayo in maalinta berito ah uu si toos ah u furmo shirka.

“Wufuud badan oo ka kala timid gobollada Jubooyinka, Gedo iyo Muqdisho ayaa magaalada soo gaaray, qaar kale oo ay ku jiraan wafdi ka socda urur goboleedka IGAD-na waa la filayaa in ay magaalada soo gaaraan,” ayuu nabadoonku hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale wufuudda ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxaa kamid ah xildhibaanno katirsan dowladda Soomaaliya oo kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana shirkani la filayaa in lagu dhiso maamul loogu magacdaray Jubbaland oo maamuli doona gobollada Jubada hoose, J/dhexe iyo Gedo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waaweyn ee magaalada iyo weliba isgosyada lagu arkayaa ciidamo katirsan dowladda oo sugaya ammaanka, waxaana sidoo kale wufuudda ka qeybgaleysa shirka ay ku qulqulayaan xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo oo ah halka uu shirku ka soconayo.

Shirkan maamul u sameynta Jubooyinka ayaa waxaa soo agaasimay urur goboleedka IGAD, waxaana loo soo wareejiyay dhanka magaalada Kismaayo kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi, haseyeeshee sii socoshada shirka ayuu hakad ku yimid kadib markii wufuuddi shirka ka qeygaleysay ay isku qilaafeen habka dhismaha maamulka, waxaana mudooyinkii u danbeeyay soconayay shirar kala gooni-gooni ah oo guddiga farsamada maamul u sameynta shirkaasi ay la lahaayeen qabaa’illada kala duwan ee dega gobollada Jubooyinka iyo Gedo, kuwaasoo sida ay sheegeen masuuliyiinta maamulka KMG Kismaayo ku saabsanaa sidii beelaha dega gobolladaasi loogala tashan lahaa aragtidooda ku aadan shirka maamul u sameynta Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/10/2013 12:32 PM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Naadiga NBCC ayaa xalay bandhig sannadeedkiisa xog-waranka oo loogu gogol xaarayay sannad-guurada saddexaad ee naadiga. Bandhiggan oo ahaa mid in badan ka duwanaa bandhigyadii looga bartay naadiga ayaa wuxuu ka dhacay machadka culuunta sare ee BORAMA COLLEGE FOR ACADEMIC STUDIES.

2/10/2013 12:30 PM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Kooxda ciidanka asluubta ayaa maanta ku guuleysatay koobkii dowladda hoose ee degmada Boorame kaddib ciyaar maanta ka dhacay garoonka weyn ee magalaada Boorama ee Biroole, taasoo ahayd mid aad u xiiso badan.

2/10/2013 11:07 AM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha cusub ee gobolka Maroodi jeex Maxamed Maxamuud Jeeni Yare, ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilkii gudoomiyihii hore ee gobolka Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje.

2/10/2013 4:49 AM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in xaqiijinta amniga aysan ku ekaan doonin magaalada Muqdisho oo kaliya, balse ay gaarsiin doonaan dalka oo dhan.

2/10/2013 4:48 AM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga furay hotel casri ah, iyadoo furitaankii hoteelkan ay ka qaybgaleen xubno ka socday dowaldda oo ay ka mid ahayd wasiir ku xigeenka wasaaradda khayraadka dalka, Siciido Xasan Cismaan, ganacsato, culummo, waxgarad iyo dadweyne kale.

2/10/2013 2:31 AM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Golaha ammaanka ee Ummadaha Midoobay ayaa toddobaadka soo socda kulan ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, iyadoo goluhu uu sheegay inay tixgelin doonaan warbixin ku saabsan doorka ay Qaramada Midoobay ku yeelanayso Soomaaliya mustaqbalka soo socda.

2/10/2013 2:30 AM EST
Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Iskahorimaad u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay shalay gallinkii dambe deegaan u dhexeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo, sida uu sheegay sarkaal ka tisran ciidamada dowladda Soomaaliya.