3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2013
Gobollada Awdal Iyo Gabiley ee Somaliland oo Gaaray Heshiisyo Iskaashi oo dhinacyo badan Taabanaya
Jimco, Feberaayo 01, 2013 (HOL) — Heshiisku wuxuu ahaa iskaashi lagu xusay dhinacyo badan, kaasoo ka billaabanaya heer gobol, laguna wado inuu gaaro illaa heer degmo, iyadoo heshiiskan ay garwadeenno ka yihiin hoggaamiyeyaasha golayaasha deegaanka ee dhawaan la doortay.

Munaasabadda heshiiskan lagu gaaray ayaa waxay kulmiysay barasaabka gobolka Awdal, guddoomiye ku xigeenka gobolka Gebilay iyo maayarrada degmooyinka Boorama iyo Gabilay oo ay weheliyaan xoghayayaasha fulinta ee labadaasi degmo iyo waxgarad kale.

Ugu horreyn, guddoomiyaha degmada Boorama, Saleebaan Xasan Xaddi oo hadal jeediyay ayaa soo dhaweeyay marti-sharaftii kulankaas goobjoogga ka ahayd isagoo u mahadceliyay cid walba oo gacan ka geysatay xiriirka dhex-maray labada gobol iyo ahmiyadda uu leeyahay,

Xoghayaha fulinta dowladfa hoose ee Boorama, Maxamed Cabdi Xaashi (Xamari) ayaa isaguna ka hadlay heshiiska ayaa yidhi: “ Heshiiskan iyo xidhiidhkan cusub wuxuu kasoo billowday laba xoghaye, maantana wuxuuna marayaa heer gobol, waxaan rajeynayaa inuu noqdo mid wax badan ka tara iskaashi dhinacyo badan oo dhexmara labada gobol.”

Guddoomiyaha degmada Gabilay, Shucayb Maxamed Muuse oo isaguna ka hadalay halkaas ayaa fursad iyo waaya’aragnimo ku tilmaamay heshiiskan waxana uu yidhi: “Waxaan rajeyneynaa inaan wax badan kala kororsan doonno, waa loo baahnaa xidhiidhka noocan ah, waxan uga faa’iidaysan doonnaa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin maamul wanaagga, kala faa’iidaysiga dhinaca waayo-aragnimada mashaariicda IWM.”

Guddoomiyaha jaamacadda Camuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo  ka hadlay isaguna kulanka ayaa sheegay in labada gobol ee Awdal iyo Gabilay ay wadaagaan dadka ku nool xidhiidh sokeeye oo dhinacyada, waxbarashada, wax-soo-saarka, dhaqanka iyo maamulkaba ah.

Badhasaabka gobolka Awdal iyo badhasaab ku xigeenka gobolka Gabilay oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda heshiiskan uu u leeyahay labada gobol, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu ahmiyad gaar ah u leeyahay dadka deegaankaasi iyo mas’uuliyiintooda; iyadoo gundhiggiisu uu noqon doono iskaashi dhinacyo badan taabanaya.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland












Click here
2/1/2013 9:28 AM EST
Jimco, February, 01-2013(HOL): Isku xirnaanta iyo iska warqabka ka dhaxeeya ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta wadanka Malaysia ayaa sanad waliba bilawgiisa waxey doortaan gudoomiye kaasoo ka war haaya dhamaan ardeyda soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha Malaysia, sanadkaana waxey u doorteen gudoomiye Cabdulaahi Maxamed Cali “Sultan.

2/1/2013 9:16 AM EST
Jimco, February, 01-2013(HOL): -Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali [ Roombe] ayaa xusay in guul taariikhi laga soo hoyay ciyaarihii Zone V ee Koobka Isreebreebka qaramada qaaradda Afrika, kaas oo xulka wiilasha Kubadda Koleyga uu sheegay inay ka keeneen guul iyo sharaf u soo hoyatay guud ahaan bahda isboortiga gaar ahaanna Kubadda Koleyga dalka.

2/1/2013 9:10 AM EST
Jimco, February 01, 2013(HOL): Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee safaaradda dowladda Mareykanku ku leedahay dalka Turkiga, iyadoona uu sababay dhimashada laba askari oo katirsanaa ilaalada xarunta.

2/1/2013 7:45 AM EST
Jimco, Feberaayo 01, 2013 (HOL) — Saddex sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan ayaa ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay Xeryaha Dhadhaab-Kenya, kuwaasoo lagu weeraray gaadiid ay booliisku lahaayeen oo marayay meel ku dhow xerada Dhagaxley.

2/1/2013 6:05 AM EST
Jimco, February, 01-2013 (HOL) --Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay saqdii dhexe ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

2/1/2013 2:03 AM EST
Jimco, February 01, 2013(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay gaareen caasimadda dalka Ingriiska ee London.