3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2013
IBRAAHIM ROOMBE: "Guul Taariikhi ah ayaa laga soo hoyay Tartankii Kubadda Kolayga Ee FIBA Zone"

Jimco, February, 01-2013(HOL): -Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga  Ibraahim Xuseen Cali [ Roombe] ayaa xusay in guul taariikhi  laga soo hoyay  ciyaarihii Zone V ee Koobka Isreebreebka qaramada qaaradda Afrika, kaas oo xulka wiilasha Kubadda Koleyga  uu sheegay  inay ka keeneen guul  iyo sharaf  u soo hoyatay guud ahaan bahda isboortiga  gaar ahaanna Kubadda Koleyga dalka.

 


Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali [Roombe]
Guddoomiye  Ibraahim Roombo ayaa isagu muujiyay in iskaashi balaaran ay ku timid guusha la gaaray wuxuuna xusay inuu  u Mahadcelinayo  inta kala qeybqaadatay Xiriirka  taabagelinta ka qeybgalka ciyaaraha  Zone V  ee ka dhacay dalka Tanzania, sidoo kale wuxuu  tibaaxay in XSKK ku tashan doono  Xiddigihii guusha lama iloobaanka horseeday.

 

“In Ciyaaryahano awood sare muujisay garoonka aan la shir-tagno Semi-Finalna soo tiigsadaan waxay ku timid iskaashi ku dheehan wadaniyad, hiil iyo hooba, waxaan rajeynaynaa in mar walba aan muujino ka xiriir ahaan wadashaqeyn sareysa  oo aan la yeelano dadka jecel horumarka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed  meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waad la socotaan  Xiriirka wax dhaqaale kama helo Xiriirka Caalamiga FIBA, ma jiraan meel uu  XSKK si rasmi ugu tashan karo marka Xulka Qaranka uu ka qeybgalayo Tartamada Caalamiga. Laakiin waxaan hubaa haddii si wadajir la isku kaashado sida tan aan dhowaan ka qeybgalnay oo kale natiijo wanaagsan ayaa noo soo baxaysa, waana ku talinayaa in sharafta Kubadda Koleyga u baahan yahay in loo wajaho iskaashi  ka yimaada dal iyo dibadba -  Dhanka  kale waxaa ii farxad ah inaan wax yar ka hor aan FIBA AFRICA  ka helnay  warqad Hambalyo ah iyagoo muujinaya sida wanaagsan ee uu ka qeybgalkeenu ahaa iyo xiisaha xulka Kubadda Koleyga Soomaaliya ay u yeeleen guud ahaan Tartankii  ZONE V ee socday 21-26 Janaayo 2013″

 

“Sidoo kale waxaa guul Taariikhi ah Record-kii galay diiwaanka [FIBA HERITAGE RECORDS] ee uu dhigay ciyaaryahan Faysal Jaamac, ciyaartii 11aad  ee ay Soomaaliya kaga hortimid Rwanda taasi  oo uu xaqiijiyay hal kulan  59 dhibcood, iyadoo horay uu u haystay Rikoorkan ciyaaryahan reer South Korea ah laguna magacaabo Hur Jae oo isagu dhaliyay 54 dhibcood hal kulan” ayuu Guddoomiyaha XSKK ugu  warbixiyay saxaafadda.

 

Si kastaba, Guddoomiyaha XSKK  Ibraahim Xuseen Cali [ Roombe] ayaa  ugu baaqay bahda Isboortiga ee jecel horumarka Kubadda Koleyga Soomaaliya inay muujiyeen isku-xirnaan, isla markaana gacanta ay ka geysteen ka qeybgalka ciyaarahii [Zone V] ay sidoo kale  gacan lixaad leh ka geystaan kuwa kale ee ku soo fool leh. wuxuuna tibaaxay in xiriirkiisu  dhabarka u xiranayo horumarinta Kubadda Koleyga marxalad kasta oo uu dalku marayo uuna diyaar u yahay  mar walba wixii talo iyo tusaaleyn ah ee kor loogu sii qaadayo ciyaaraha Kubadda  Koleyga Soomaaliyeed.

 

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/1/2013 12:05 PM EST
Jimco, Feberaayo 01, 2013 (HOL) — Heshiisku wuxuu ahaa iskaashi lagu xusay dhinacyo badan, kaasoo ka billaabanaya heer gobol, laguna wado inuu gaaro illaa heer degmo, iyadoo heshiiskan ay garwadeenno ka yihiin hoggaamiyeyaasha golayaasha deegaanka ee dhawaan la doortay.

2/1/2013 9:28 AM EST
Jimco, February, 01-2013(HOL): Isku xirnaanta iyo iska warqabka ka dhaxeeya ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta wadanka Malaysia ayaa sanad waliba bilawgiisa waxey doortaan gudoomiye kaasoo ka war haaya dhamaan ardeyda soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha Malaysia, sanadkaana waxey u doorteen gudoomiye Cabdulaahi Maxamed Cali “Sultan.

2/1/2013 9:10 AM EST
Jimco, February 01, 2013(HOL): Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee safaaradda dowladda Mareykanku ku leedahay dalka Turkiga, iyadoona uu sababay dhimashada laba askari oo katirsanaa ilaalada xarunta.

2/1/2013 7:45 AM EST
Jimco, Feberaayo 01, 2013 (HOL) — Saddex sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan ayaa ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay Xeryaha Dhadhaab-Kenya, kuwaasoo lagu weeraray gaadiid ay booliisku lahaayeen oo marayay meel ku dhow xerada Dhagaxley.

2/1/2013 6:05 AM EST
Jimco, February, 01-2013 (HOL) --Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay saqdii dhexe ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

2/1/2013 2:03 AM EST
Jimco, February 01, 2013(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay gaareen caasimadda dalka Ingriiska ee London.