3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2013
Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo xalay ku dagaalamay Magaalada Baladweyne

Jimco, February, 01-2013 (HOL)  --Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay saqdii dhexe ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

 

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii xogagg ka tirsan Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo dulleedka xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ku lahaayeen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Ciidamada Midowgga Africa AMISOM iyo saldhig ciidamada maamulka gobollka Hiiraan  ay ka joogeen Buundada Liiqliiqato ee isku xirta xaafadda Howl-wadaag iyo xaafadaha kale ee magaalada.

 

Dhinacyada dirirtu dhax martay ayaa isku adeegsaday hub-ka noocayadiisa kala duwan waxaana la maqlayay madaafiic laga soo tuurayay qoriga hoobiyaha, hubka laga rido gadiidka dagaalka, iyo rasaasta qoryaha daran-dooriga u dhaca kuwaasoo qal-qal ku abuuray dadka rayidka ah ee magaalada gaar ahaan xafaada lagu dagaallamay ee Howl-wadaag.

 

Taliyaha ciidamada dowladda ee maamulka gobollka Hiiraan Col Tawane Axmed Gurey oo la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare xoog leh la gaarsiiyay sida uu hadalka u dhigay kooxihii weerarka soo qaaday.

 

‘’Xalay waxaa soo weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM kooxaha cadawga, waxaana la gaarsiiyay jab xoog leh, xiliganna waxaa lagu raad joogaa firxadkii ka haray,’’ ayuu yiri Col Towane Axmed Gurey.

 

Mar wax laga weydiiyay waxaa uu ka og-yahay khasaaraha ka dhashay dagaallkii xalay, waxaa uu sheegay in uu arkay tiro meydad ah oo ka tirsan kooxihii weerarka soo qaaday, isaga oo intaa ku daray in dhinacooda uu dagaallka kaga dhaawacmeen labo askari oo kaliya.

 

Ma jiro wax war ah oo ay Al-shabaab ka soo saareen dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

 

Rasaasta iyo madaafiicda leysku adeegsanayay dagaallkii xalay ayaa si toos ah ugu dhacayay xaafaddo ay ku nool yihiin dad shacab ah, waxaana ilaa iyo hadda inta la og-yahay ku dhaawacantay ilaa Afar ruux oo rayid ah.

 

Dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Baladweyne oo ahaa mid aad u culus ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo dhaxmara ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab tan iyo markii ay soo gaareen magaalada horaantii sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2012-ka.

 

Xaaladda guud ee magaalada ayaa saakay degan, waxaana caadi u soconaya dhaq dhaqaaqa dadka, gadiidka iyo ganacsiga intaba, inkastoo dadweynuhu ay hadal hayaan dagaallkii xalay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya













Click here
2/1/2013 12:05 PM EST
Jimco, Feberaayo 01, 2013 (HOL) — Heshiisku wuxuu ahaa iskaashi lagu xusay dhinacyo badan, kaasoo ka billaabanaya heer gobol, laguna wado inuu gaaro illaa heer degmo, iyadoo heshiiskan ay garwadeenno ka yihiin hoggaamiyeyaasha golayaasha deegaanka ee dhawaan la doortay.

2/1/2013 9:28 AM EST
Jimco, February, 01-2013(HOL): Isku xirnaanta iyo iska warqabka ka dhaxeeya ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta wadanka Malaysia ayaa sanad waliba bilawgiisa waxey doortaan gudoomiye kaasoo ka war haaya dhamaan ardeyda soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha Malaysia, sanadkaana waxey u doorteen gudoomiye Cabdulaahi Maxamed Cali “Sultan.

2/1/2013 9:16 AM EST
Jimco, February, 01-2013(HOL): -Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali [ Roombe] ayaa xusay in guul taariikhi laga soo hoyay ciyaarihii Zone V ee Koobka Isreebreebka qaramada qaaradda Afrika, kaas oo xulka wiilasha Kubadda Koleyga uu sheegay inay ka keeneen guul iyo sharaf u soo hoyatay guud ahaan bahda isboortiga gaar ahaanna Kubadda Koleyga dalka.

2/1/2013 9:10 AM EST
Jimco, February 01, 2013(HOL): Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee safaaradda dowladda Mareykanku ku leedahay dalka Turkiga, iyadoona uu sababay dhimashada laba askari oo katirsanaa ilaalada xarunta.

2/1/2013 7:45 AM EST
Jimco, Feberaayo 01, 2013 (HOL) — Saddex sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan ayaa ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay Xeryaha Dhadhaab-Kenya, kuwaasoo lagu weeraray gaadiid ay booliisku lahaayeen oo marayay meel ku dhow xerada Dhagaxley.

2/1/2013 2:03 AM EST
Jimco, February 01, 2013(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay gaareen caasimadda dalka Ingriiska ee London.