WARBIXIN ku saabsan dhacdooyinkii sannadkan 2013 ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Talaado, December 31, 2013 (HOL) — Marka dib loo milicsado sannadkan 2013-ka iyo waxyaabihii ka dhacay gobolka Hiiraan ayaa la oran karaa wuxuu ugu dhamaaday is-badallo siyaaseed iyo dhacdooyin xasuus badan ku reebay maskaxda bulshada ku dhaqan gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo inta badan astaan u aheyd dhacdooyinka la soo qaadan karo marka laga hadllo sanadkan naga sii dhammaanaya.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa booqday magaalada Beledweyne 06, Febaraayo ee sanadkan 2013, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada mas’uuliyiintii maamulkii waqtigaa jiray ee uu guddoomiyaha ka ahaa C/fitaax Xassan Afrax.

Munaasabad ay ka qeyb-galleen xubno ka tirsan gollihii xukuumadii ra’iisal wasaarihii hore ee Saacid ayaa  09, bishii Apriil ee sanadkan waxaa tallada maamulka kula wareegay mas’uuliyiinta heer gobol iyo degmo ee uu horkacayo guddoomiye Cabdi Cabdi Faarax Laqanyo.

Maamulka ayaa ayaa markii uu tallada la wareegay markiiba diirada saaray sugida ammniga iyo wax ka qabashada nabad-galyada, waxaana uu xoogga saaray dib u dhiska iyo tayeeynta ciidamada qeybahooda kala duwan, gaar ahaan ciidamada militariga iyo kuwa booliiska.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa qeyb weyn ka qaatay tababarka ciidamada, kadib dayactir ay ku sameeyeen xerradii gaaska shanaad Lama-gallaay oo laga saaray qoysas Soomaliyeed oo mudo ka badan 22 sano degnaa.

DILALKII IYO QARAXYADII DHACAY SANADKAN:

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa 12-kii bishii Apriil  sanadkan weerar ay ku qaadeen mid ka mid  masajida magaalada Beledweyne, waxaa ay ku dilleen Cabdi Tuurre oo ka tirsanaa maamulka dowladda hoose, waxaana weerarkaa waqtigaa ku dhaawacmay ilaa shan ruux oo ka mid ahaa Jamacadii xiligaa masjidka ku sugneyd.

Isla 08-dii Abiil ee sanadkan Al-shabaab ayaa meel fagaaro ah degmada Buula –burte waxaa ay ku toogteen Ayaan Max’uud Caseyr oo ay ku eedeeyeen in ay  basaas u aheyd ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Kooxo hubeysan ayaa 20-kii bishii July  xili habeenimo ah waxaa ay magaalada Beledweyne ku toogteen guddoomiye ku-xigeenkii maxkamada degmada Macallin Xassan Cilmi Ciyoow [Xassan Dheere] Isla 31-kii bishii July kooxo hubeysan ayaa xaafadda Howl-wadaag ee Beledweyne xilli galabnimo ah waxaa ay ku toogteen afhayeenkii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan nabadoon Xusseen Cilmi Ibraahim  isaga oo ku sii jeeda gurigiisa.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa 5-tii Augusto dil toogasho ah ku fuliyay Mukhtaar Xasan Maxamed oo ahaa gacan ku dhiiglihii dilay guddoomiyihii golaha guurtida gobolka Hiiraan nabadoon Max’uud Xuseen Marya-cade oo la dillay 27 November sanadkii 2012.

Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay 19-kii bishii Oktoobar ee sanadkan goob maqaaxi ah oo ku dhaw xarunta maamulka gobolka Hiiraan waxaa ku dhintay 20 ruux oo isugu jiray askar ka tirsanaa ciidamada maamulka gobolka iyo dad rayid ah.

Sidoo kale 19-kii bishii November ee sanadkan weerar  isugu jiray Ismiidaamin iyo mid toos ah waxaa ay xarrakada Al-shabaab ku qaadeen saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo ay ku nafwaayeen ku dhawaad 20 ruux oo isugu jiray ciidamada booliiska, askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti dad rayid ah iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Qaraxa saldhiga kadib waxaa magaalada Beledweyne booqasho ku yimid wafdi uu hogaaminayay wasiirkii arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka C/kariin Xusseen Guulleed oo u kuur-gallayay khasaaraha ka dhashay weerarka Ismiidaaminta ahaa.

Ciidamo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya ayaa 08, bishan December waxaa ay xili habeenimo ah gurigiisa ku dilleen Col Xaanshi Xusseen oo ka mid ahaa ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana dilkiisa cambaareeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

BOOQASHADII MADAXWEYNE XASAN IYO NICHOLAS KAY:

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa 8 bishii September sanadkan 2013 waxaa uu booqday magaalada Beledweyne, waxa uuna xilligaana tababar ugu soo xiray xerada lama galaay,oo kulammo kala duwan la qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kula duwan ee bulshada, waxaana uu xilligaasi tababar ugu soo xiray xerrada Lama-gallay boqolal ciidammo booliis ah.

Sidoo kale wakiilka QM  ee Soomaaliya Mr Nicholas Kay ayaa 14- kii bishan December waxaa uu booqashadisii ugu horeysay ee gobollada dhexe uu  ku tagay magaalada Beledweyne, oo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo.

Danjire Nicholas Kay ayaa ku amaanay maamulka gobolka Hiiraan sida uu isaga xil saaray sugida ammniga marka laga soo  tago qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, waxaana uu ku baaqay in la joojiyo wada hadalna lagu dhameeyo colaada deegaanka Kabxanley.

Marka laga soo tago tayeynta ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa haddana waxaa jira talaabooyin lagu hormarinayay adeegyada bulshada iyo dib u dhis lagu sameeyay goobaha danta guud, sida xarumaha dowladda qaarkood, hagaajinta nidaamka daqli ururinta, jidad la taycatiray, xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha oo laga hergaliyay gobolka , dib u soo nooleynta Isboortiga iyadoo la qabtay tartamo kala duwan oo ay ka qeyb-galleen kooxaha heerka koowaad ee ka dhisan gobolka.

Sidoo kale, maammulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay in uu mishear u bilaabo ciidamada dowladda maamulka gobolka, kadib markii si hufan loo maareeyay daqliga ka soo xarrooda dadweynaha.

Maamulka ayaa sidoo kale ka hergaliyay xaafaddaha magaalada nidaamka deriseynta oo ay ku tilmaameen mid wax weyn ka taraya ammniga iyo isku xirnaanta bulshada magaalada iyo hay'addaha nabad-galyada.

QABAN-QAABO DOORASHO:

Bilihii ugu danbeeyay waxaa gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne ka jira shirar iyo kulamo gar-gaar ah looga arinsanayay dhismaha maamul hab doorasho ku yimaada, kadib markii ay dowladdu shaacisay in wixii xiligan ka danbeeya looga baahan yahay bulshadu in ay maamulkooda soo doortaan, laakiin qorshahaasi waxaad moodaa in uu xiligan hakad  ku jiro sababo la xiriira isbadalka dhinaca xukuumada ku yimid.

Ugu danbeyntii, shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa sanadka dhallanaya  2014-ka waxaa ay rajo badan ka qabaan, is-badal dhinacayo badan, gaar ahaa marka la eego ammniga oo ah kan ay bulshadu u wada ooman tahay.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya

More News