WARBIXIN DHEER oo ku Saabsan Dhacdooyinkii Waa-weynaa ee Sannadkan 2013-ka ka dhacay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, December 31, 2013 (HOL) — Warbixintan oo aan kaga hadlayno waxyaabihii ka dhacay Muqdisho sannadkan 2013 maanta ku eg, ayaa waxaa idin kugu soo gudbinaynaa arrrimo ay ka mid yihiin weerarradii dhacay, dilalkii wariyeyaasha, xildhibaannadii dhintaiy iyo kuwii la dilay iyo arrimo kale.

Markaan dib u milicsanno waxyaabihii ugu waaweynaa ee sannadkan 2013-ka ka dhacay Muqdisho waxay isugu jiraan kuwo farxad leh iyo xanuun leh, waxaana waxyaabaha farxadda leh ka mid ah in dalka uu ku tallaabsaday horumarro dhinacyo badan leh.

Waxyaabaha horumarka leh waxaa ka mid ah in dowladda Soomaaliya si caalami ah loo aqoonsaday, loona qabtay shirar waaweyn oo dhaqaale loogu ururinayo dib u dhiska dalka, waxaana sidoo kale mid ah koboca dhaqaalaha dalka oo la sheegay inuu aad sare ugu kacay.

Sidoo kale, waxaa waddooyinka Muqdisho dib u dhiska lagu sameeyay dib u habeynta ciidamada xoogga dalka oo markii ugu horreysay la go’aamiyay in dalka gudihiisa lagu tababari doonaan, casriyeynta iyo dhismaha garoonka diyaaradaha Muqdisho 22-sano kaddib iyo duulimaadyada caalamiga ah oo dib u billowday.

WEERARRADII IYO QARAXYADII KA DHACAY MUQDISHO:


Tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkan waxaa gudaha Muqdisho ka dhacay qaraxyo iyo weeerarro aan qaarkood horay loogu arag Soomaaliya, waxaana ka mid ah weerarkii bishii Abriil ee sannadkan lagu qaaday dhismaha ay ku shaqeyaan maxkamadaha dalka, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20-qof oo isugu jiray garsoorayaal iyo dad dacwado isku haystay.

Weerarkaas oo ay sheegatay Al-shabaab ayaa afhayeen u hadlay wuxuu ku tilmaamay weerar ay ku qaadeen goob xukunno aan waafqsanayn diinta ay ka dhacayeen, iyagoo sheegay inay ku dileen garsoorayaal iyo ciidammo ay sheegeen inay ilaalo ka hayeen xaruntaas.

Bishii June ee isla sannadkan waxaa sidoo kale weerarro is-miidaamin iyo kuwo toos isugu jiray lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ay ku leedahay Muqdisho, halkaasoo ay ku dhinteen 15-qof oo isugu jiray shaqaale ajnabi ah oo xaruntan ka howlgalayay, ciidamadii ilaalada ka hayay, dad shacab ah iyo xoogaggii weeraray, waxaan weeraran sheegatay Al-shabaab oo xustay inuu ka mid yahay kuwa ay ku bartilmaameedsanayaan xarumaha ay ku shaqeeyaan hay’adaha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, bishii Jannaayo ee sannadkan waxaa qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay illinka guriga ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya kaasoo ay laba oo midkood uu ahaa askari ilaalo ka haya guriga iyo qofkii fuliyay qaraxaas.

Bishii Feberaayo ee sanadkan waxaa qarax ismiiaamin ahaa lagu weeraray baar Liido ee Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen laba qof tiro kalena ay ku dhaawcmeen, waxayna waxyello kasoo gaartay gaadiid halkaas yaallay oo wateen dad baarkaas ka cunteynayay iyo kuwo kale oo tamashle u tagay.

Bishii Maarso ee sannadkan ayaa qarax Ismiidaamin ah oo lagu dilay 10-qof oo shacab iyo askar isugu jiray uu ka dhacay afaafka hore ee Ex-fiyooraha, kaasoo lagu weeraray taliyihii hore ee nabadsugidda gobokla Banaadir, Khaliif Axmed Ereg, waxaana taliyaha kasoo gaaray dhaawac fudud, iyadoo Al-shabaab oo sheegay weerarkan ay sheegeen inay ku dileen ciidammo ka tirsan nabadsugidda Qaranka.

27-kii July, 2013, waxaa weerar ismiidaamin ahaa lagu qaaday qunsuliyad ay dowladda Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkasoo ay ku dhinteen laba qof oo midkood uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Turkiga iyo wiil arday Soomaaliyeed ah oo halkaas marayay, waxaana ku dhaawacmay saddex askarta Turkiga ka tirsan.

Sidoo kale, bishii Juun ee sannadkan ayaa waxaa iyadana weerar gaadmo ah lagu qaaday gaadiid ay wateen shaqaale Turki ah, waxaana lagu dhaawcay saddex shaqaale ah oo ka tirsanaa ha’yadda bisha cas ee Turkiga.

Weerarradan lagu qaaday shaqaalaha Turkiga iyo qunsuliyadda ayaa waxaa sheegatay Al-shbaaab oo dowladda Turkiga ku eedeysay inay u adeegayso reer galbeedka, uguna baaqday inay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya haddii kale ay sii wadi doonaan qaraxyada ay la beegsanayaan.

Isla bishii September waxaa saddex qof oo uu ku jiray ganacade Yemeni ah iyo kuwo Soomaali ah lagu dilay qarax ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay qaraxaas mas’uul ka ahayd, waxaana qaraxan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ganacsade ajnabi ah lagu dilo.

Qaraxyo saf-mar ah ayay Al-shabaab ka geysatay bishii Ogoosto xilli fiidkii ah degmooyin kala duwan oo Muqdisho ka tirsan, kuwaasoo ay 10-ruux ku dhaawacmeen, waxaana goobahaas ay qaraxyadan ay kala ahaayeen; ex-koontarool Afgooye, xaafadda Say-biyaano, isgoyska Zope, isgoyska KM-4, isgoyska Sanca iyo degmooyinka Wadjiar, Hodan, Dharkeynley, Waaberi, Kaaraan iyo Yaaqshiid.

Bishii September ee sannadkan waxaa qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay dhabarka dambe ee baarka The Village oo ku yaalla meel ku dhow tiyaatarka weyn ee Muqdisho, waxaana ku dhintay 15-qof oo isugu jira rayid iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Bishii November ee sannadkan xilli fiid ah ayaa qaraxyo is-miidaamin ahaa waxay ka dhaceen afaafka hore ee hoteelka Maka Al-Mukarama kuwaasoo ay ku dhinteen afar qof, 15-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhaawacmay weerarkan waxaa ku jiray xildhibaan, Sooyaan Cabdi Warsame oo dhaawiciisa loo qaaday dalka dibaddiisa, iyadoo Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana hoteelka ku sugnaa xilliga ay qaraxyadu ka dhacayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa bishan December lix qof oo ay ku jireen saddex dhakhtar oo u dhashay dalka Suuriya ku dileen duleedka Muqdisho, xilli ay dhakhaatiirtan u socdeen isbitaalka Fiqi oo ay ka howl-galayeen. Si adag ayaana weerarkan loo cambaareeyay, waxaana Al-shabaab ay markiiba iska fogeysay inay ku lug leedahay dilkaas.

Ugu dambeyn, maalintii Jimcaha ahayd ee 27-kii bishan December wuxuu qarax miino oo dilay 11-qof ka dhacay maqaayad ku taalla xaafadda Ban-gala ee degmada Dayniile, waxaana dadka ku dhintay ku jiray sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo haweeneydii maqaayadda lahayd, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

WARIYEYAASHII LAGU DILAY MUQDISHO SANNADKAN:

Sannadkan 2013-ka waxaa Muqdisho lagu dilay tiro suxufiyiin ah oo ka kala howlgalayay warbaahinta kala duwan ee Soomaaliya, iyadoo gabi ahaantood lagu dilay weerarro gaadmo ah oo ay kooxo hubeysan la beegsadeen marka laga reebo wariye ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay.

18-kii bishii Jannaayo ee snnadkan waxaa degmada Wadajir lagu dilay mid ka mid ahaa wariyeyaashii ka howlgalayay idaacadda Shabelle, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdi-xareed Cismaan Aadan, xilli uu ku socday goobtiisa shaqo.

22-kii bishii Abriil ee sannadkan ayaa lagu dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir wariye Maxamed Ibraahim Raage oo u shaqeynayay Radiyaha iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana lagu dilay illinka hor ee gurigiisa xilli galab ah isagoo shaqo ka yimid.

18-kii Maarso ee sannadkan waxaa qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay ku dhintay wariye Maxamed Cali Nuxurkeey oo ka howlgalayay idaacadda Mustaqbal ee magaalada  Muqdisho. Waxaa kaloo qaraxaas ku dhaawacmay wariye kale.

17-kii Ogoosto sannadkan waxaa lagu dilay Muqdisho farsamo-yaqaan ka tirsan idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho oo lagu magacaabi jiray, Axmed-deey Shariif kaasoo lagu dilay degmada Shibbis ee gobolka Banaadir, xilli aroornimo ah oo uu ku socday shaqada.

26-kii bishii Oktoobar ee sannadkan ayaa wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde wuxuu dhaawac ay kooxo hubeysan ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir 22-kii Oktoobar uu ugu geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa wariyihii ugu dambeeyay ee lagu dilo magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso dilka wariyeyaashan, balse xubno u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay inay ka dambeeyeen kooxo gacan-saar la leh Xarakada Al-shabaab.

XILDHIBAANNADII SANNADKAN DHINTAY IYO KUWII LA DILAY:

Sannadkan sii dhammaanaya ee 2013-ka waxaa dhintay tiro xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo intooda badan u geeriyooday xanuuno lasoo darsay, halka kuwo kalena la dilay.

Bishii Feberaayo ee sannadkan waxaa Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan, Sheekh Nuur Cali Aadan kaddib markii uu si lama filaan ah ugu soo booday xanuun kaasoo sababay geeriidiisa. Sidoo kale Bishii Juun ee isla sannadkan waxaa xanuun ugu dhintay isbitaalka Madiina xildhibaan, Maxamed Faarax Jimcaale.

Bishii Ogoosto ee sannadkan waxaa isaguna xanuun ugu dhintay Muqdisho xildhibaan, Cismaan Xasan Cali (Caato), waxaana xildhibaankan uu wasiiir kasoo noqday xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

Bishii September ee sannadkan ayay kooxo hubeysan oo watay gaari Toyota ah xilli maqrib ah ku toogteen xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir xildhibaan, Xuseen C/salaam Maxamed, isagoo ku socday gurigiisa, waxaana la sheegay in xildhibaankan uusan wadan wax ilaalo ah.

Bishii Oktoobar ee sannakan waxaa dalka Kenya xanuun awgiis ugu dhintay xildhibaan, Cumar Isloow Maxamed oo ka mid ahaa xubnaha fir-fircoon ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo maalmo kaddib aas qaran Muqdisho loogu sameeyay.

Bishan December waxaa qarax loogu xiray gaarigiisa ku dhintay xildhibaan, Maxamed Warsame Maxamed (Faysal), waxaana qaraxan uu ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya, mana jirto cid sheegtay inay ka dambbeysay dilka xildhibaanka.

Isla bishan December waxaa xanuun awgiis ugu geeriyooday hoteelka Muna ee Muqdisho xildhibaan, Xasan Maxamuud Cali (Sokoliin), iyadoo la sheegay in muddo uu xanuunkan qabay.

Geerida mudanahan ayaa waxaa si kooban uga hadlay mas’uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya oo tacsi u diray ehellada xildhibaanka, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha dhintay la buuxiyay kuraastooda, halka kuwo kalena ay weli bannaan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News