4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Xarakada Al-shabaab oo Degmada Ceelbuur kusoo bandhigay Ciidammo ay Tababar u soo Gabgabeysay (SAWIRRO)


Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa degmada Ceelbuur ee gobolka Gal-guduud kusoo bandhigtay Khamiistii shalay xoogag ka tirsan ciidamadeeda oo bilihii lasoo dhaafay uu tababar u socday.

Ciidamadan ayaa waxay dhoolla-tusyo kala duwan ku sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Gal-guduud, gaar ahaan dhiniciisa bari oo ay Al-shabaab ka taliso, waxaana ciidamadan ay noqonayaan kuwii ugu horreeyay oo kooxdan ay kusoo bandhigto gobolka Gal-guduud.

“Dhawaan ayaa ciidamadan tababarka loosoo xiray, waxayna ka mid noqonayaa kuwa ka dagaalamaya gobollada dalka Soomaaliya qaarkood,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gal-guduud ee Al-shabaab, Sheekh Xasan Yacquub.

Sheekh Yacquub ayaa intaas raaciyey in ciidamadan ay ka mid noqonayaan jabhadda Cali Bin Abii Daalib ee ka dagaalanta gobolada dhexe ee Somalia, isagoo ku boorriyay in laga doonayo inay xoojiyaan dagaalka ay ku jiraan si loogu guuleysto hadafka ay Al-shabaab ka leedahay Soomaaliya.

“Waxaad dagaal kula jirtaa ciidammo Afrikaan ah oo soo duuulay iyo kuwo kale, waxaana la idinka doonayaa inaad u adkeysataan dagaalka aad kula jirtaan, mar walbana aad qalbiga ku haysaan inaad gaaraysaan halka aad higsanaysaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Xasan Yacquub.

Ciidamadan tababarka loosoo xiray ayaa kusoo beegamaya xilli ay gobolka Gal-guduud u magacowday dowladda Soomaaliya guddoomiye cusub, kaasoo xilka kala wareegay maalin kahor guddoomiyihii hore ee gobolkaas.

Al-shabaab oo weli ka talisa deegaanno badan oo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla, ayaa waxay sannadkan oo keliya dhowr jeer soo bandhigtay ciidammo ay tababar usoo xirtay, kuwaasoo ay sheegtay inay kula dagaalamayso dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya