5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2013
MADAXWEYNAHA SOMALIA: "Al-Shabaab ma Hor-joogsan karto Horumarka aan ku soconno, Waana ka hortagaynaa"


Sabti, November 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay falkii qaraxa ee ka dhacay Hoteelka Maka-Al-Mukarama kaasoo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkaas ayay dowladda Soomaaliya ku eedeysay Al-shabaab, inkastoo aysan Al-shabaab weli ka hadlin inay mas’uul ka tahay iyo in kale, iyadoo ay qaraxyadaas ku dhinteen lix qof, tiro ka badan 15-qof oo kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan.

"Si kulul baan u cambaareynayaa falkan waxashnimada ah ee Al-Shabaab ay ka fuliyeen jidka Maka Al Mukarama oo ay dad aan waxaa galasan lagu dilay, kuwana ku dhaawaceen. Ujeeddadoodu waa shacabka geliya argagax oo yaysan horumarka socda sii wadin. Laakin, waxaan si cod dheer ah ugu sheegaynaa nagama hor-istaagi kartaan horumarka, nabadda iyo maamul-wanaagga aan ku tallaabsanay, waana kusii dhiiranaynaa isla markaana aan sii labo jibaaraynaa dadaalka horumarka, nabadda iyo maamul wanaaga," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo tacsi u diary shacabka ayaa yiri: " Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhu Raajicuun, waxaan halkan  tacsi ugu dirayaa dhammaan shacabkii ku geeriyooday gaar ahaan eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen intii ku dhimatay falkan qaraxa oo ay gacan ka gardaran dishay. Sidoo kale waxaan inta dhaawaca ah EEBBE uga baryayaa inuu dhaawacooda u fududeeyo oo ay dhaqso uga kabtaan dhaawacooda."

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka inay gacan ka siiyaan hay'adaha Amniga dowladda si loosoo af-jaro dagaalka lagula jiro kooxahan Al-shabaab oo uu ku tilmamay koox nabad-diid ah.

Weeraradan qaraxyada ah ee khasaaraha geystay ayaa waxaa fuliyay dhowr qof, iyadoo mid ka mid ah ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda kaas oo ay saraakiisha ammaanku sheegeen inay su’aalo weydiinayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya