4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 29, 2013
Abwaan Ciise Dhan-Cadde oo ka Mid ahaa Hal-Abuurka Soomaaliyeed oo ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

Jimco, November 29, 2013 (HOL) — Alla ha u naxariistee waxa magaaladda Hargeysa ku geeriyooday Abwaankii caanka ahaa Ciise Warsame Samatar (Ciise Dhancadde) oo ka mid ahaa abwaanadda waaweyn ee Soomaalida isla markaana sameeyey heeso ay dadku badi jecel yihiin.

Abwaan Ciise Dhan-Cadde ayaa ka mid ahaa Hal abuuradii suugaantiisu caanbaxday, isla markaana ka mid ahaa Foolaadka suugaanleyda ee ilaa gobonimadii  tirinayey suugaanta.

Alla ha u naxariistee waxa uu habeen hore ku geeriyooday magaaladda Hargeysa, waxaana ka mid ahaa heesaha caanbaxay ee maskaxdiisa ka dhalatay iyo hoboladii waaweyn ee uu udhiibay Heesta Gufaaco ee uu ku luuqeeyo Maxamed Saleebaan Tubeec, Heesta Goobyaal ee ay qaado Marwo Maxamed, Heesta Uurkaad ku taalla oo ku luuqeeyo fanaanka caanka ah Rashiid Buullo iyo Fadxiya Cali, waxa kale oo ka mid ah Heesta la yidhaa Hohey Dumarka oo uu qaado Al fanaan Maxamed Nuur Giriir (AHN), inkastoo aan halkan lagu soo koobi karin heesaha uu leeyahay Abwaan Ciise Dhancadde waxa kale oo  mid ah Heesta Go’doon oo ay qaaddo Fanaanadda weyn ee Maandeeq, waxa kale oo heeso badan ee uu leeyahay qaadda Fanaaniin badan oo ay ku jirto  Sahra Axmed, Xasan Diiriye, Cabdiraxmaan Dheere iyo isaga qudhiisa oo qaadi jiray  Heeso ay ka mid yihiin  raad shisheeye, Calmad iyo qaar kale.

Waxaana Abwaanka heesaha uu sameeyey ka soo xiganay wariye Abiib Iimaan oo dhowaan Abwaanka xog-waran la yeeshay, waxaanu Abiib sheegay in aanu abwaanku mihnad u ahayn suugaantu balse uu ku maararoowi jiray.

Si kastaba ha ahaatee, Abwaan Dhancade ayaa Sanaddo badan ku noolaa cariga Ingiriiska, haseyeeshee dhowaan dib ugu soo laabtay magaaladda Hargeysa, Ilaahay ha u naxariisto Abwaanka , godkana naacow udgoon iyo ha ku siiyo Naruuro.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland