4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2013
Roobab Khasaare Geystay oo 24-kii Saac ee ugu Dambeeyey ka da'ay Qaar ka mid ah Gobollada Maamulka Puntland

Axad, November 10, 2013 (HOL) —
Robab xooggan oo geystey khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed labadaba, ayaa 24-tii saac ee ugu dambeeyey ka da'ay qaar kamid ah gobollada Puntland, gaar ahaan kuwa ku dherersan Badda Hindiya.

Degmada Caluula oo ah xarunta gobolka -dhowaanta la magacaabay- ee Gardafuuy ayaa kamid ah meelaha ay roobabkaasi khasaaraha ugu badan ka geysteen.

Guddoomiyaha gobolka Gardafuuy, Cali Mire Xuseen ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la xaqiijiyey geerida hal qof islamarkaana ay gadiid-badeed dhowr ahi burbureen.

Sidoo kale roobabka ayaa xoolo badan ku diley miyiga degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Guddoomiyaha tuulada Bakal oo kamid ah tuulooyin dhowr ah oo roobabkaasi ay khasaare ka geysteen, ayaa sheegay in roobku uu halkaas ku diley in ka badan 300 neef oo ari ah.

Dhinaca kale wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland ayaa ku celisey digniin ay shalay u jeedisey dadka ku dhaqan xeebaha, taas oo ahayd in aysan xeebta u kalluumaysi tegein, maadaama la saadaaliyey in dabeylo iyo roobab is wataa ay Soomaaliya kusoo wajahan yihin.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Muuse Geele Yuusuf ayaa ugu baaqay dadka in aysan iska dhega tirin digniinaha loo jeediyey, maadaama ay weli halistii looga digayey taagan tahay.

Wixii warar ah oo kaso kordha roobabkan iyo weliba khasaaraha ay geysteen, faah faahintooda dib ayaan idiinka soo gubin doonnaa...

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya