4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2013
Guddoomiyhii Bangiga dhexe ee Soomaaliya marwa Yussur Abraar oo iscasishay


Jimco, November 01, 2013 (HOL) - Guddoomiyihii bangiga dhexe ee Soomaaliya marwo Yussur Abrar ayaa si lama filaan ah isaga casishay jagadaas muddo todobo usbuuc ah ka dib markii loo magacaabay sida uu soo qoray wargeyska Finacila Times oo ka soo baxa dalka Britain, ayada oo sabab uga dhigtay masuqmaasaq ka dhex jira dowladda. Arrintaan ayaa qalqal galindoona deeq bixiyaasha oo damacsanaa in dhaqaale xoogle ay galiyaan dalka Soomaaliya

"Ilaa iyo markii lay magacaabay ayaa waxaa culeys laygu saaray in aan wax masuqmaasuqu, taas ka baxsan masuulayadii leey xil-saaray in aan ugu shaqeeyo  umadda Soomaaliyeed" ayeey tiri Yussur Abrar oo iscasilaadeed qoraal ugu dirtay madaxweyne Xasan Sheikh.

Warqad seddex bog ah oo ay iscasilaadeed ugu dirtay madaxweynaha Xasan Sheekh, ayeey Yussur ku sheegtay in ay wax isdaba-maris ka dhex jiro dowladda dhexdeed taasna ay albaabada u furi karto masuqmaasuq.

Deeq bixiyaasha ayaa u ballan qaaday in dowladda Soomaaliya siiyaan dhaqaale aad u ballaaran ka dib shirar lagu qabtay dalalka Turkey, Belgium iyo UK bilooyinkii la soo dhaafay si dib loogu dhiso dalka Soomaaliya oo dagaalo iyo abaaro ay ka jireen muddo ka badan labaatan sanno.

Marwo Yussur ayaa sidoo kale waqadeed ku sheegtay in ay diiday ogolaasho ay ka codsadeen Shulman Rogers oo ah hay'ad qareen ah (Law Firm) kana howl-gasha dalka Markeynka oo rabay in ay qandaraas ku qaataan soo aruurinta hantida dalka Soomaaliya uga maqan dibadaha wixii ka horeeyey 1991. Hay'addaan Shulman Rogers ayaa dowladda Soomaaliyeed u adeegsatay in ay ka difaacaan eedeymo ay Qaramada Midoobi u soo jeedisay dowladda Soomailiya.

Afhayeen ku hadlayey magaca dowladda ayaa maanta sheegay in dowladda Soomaaliya ka go'antahay in ay dib u habeyn ku sameeyaan xubnaha adeega dhaqaalaha ee Soomaaliya. Marwo Yussurna  sababtaas ayeeynu ugu dooranay in ay hogaamiso dib u habeynta dhaqaalaha dalka Soomaaliya, in kasta oo ay waddankaba joogtay muddo aad u yar ayuu yiri afhayeenkaas.

Marwo Yussur ayaa la sheegayaa in ay iscasilaadeed ka dirtay ayada oo ku sugan dalka Immaaraadka. Lamana garanayo halka ay hadda ku sugantahay. Dowladdana faahfaahin dheeraad ah kama bixin iscasilaadda marwo Yussur Abraar.