3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2013
Koobkii Xagaaga ee HIRDA AFT oo ay ku guuleysatay kooxda kubadda cagta ee Rotterdam (SAWIRRO)

Axad, May 19, 2013 (HOL) - Waxaa lagu qabtay shalay garoonka  Bijlmar Sport Park ee mgaalada Amsterdam tartankii Kubada cagta ee cayaaraha xagaaga HIRDA AFT Summer cup. Tartanka oo ay ku hardamayeen 16 kooxood oo ka kala socaday magaalooyinka wadanka Holland. Waxaa ku guuleystay koobkii kooxda Rotterdam oo hal gool iyo eber kaga badisay cayaartii faynalka kooxdii ka socotay Utrecht.

Gababadii cayaaraha waxaa hadalo qiime leh ka soo jeediyey gudoomiyaha HIRDA Maxamed Cigaal oo u mahad caliyey dhamaan marti sharaftii iyo dadweynihii ka soo qeyb galay cayaaraha. Waxaa hadalo kooban oo guubaabo ka soo jeediyey Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali. Koobabkii iyo abaal marinadii ayaa marti sharaftii iyo hawl wadeenadii HIRDA ay ku gudoonsiiyeen kooxihii iyo shaqsiyaadkii muteystay abaalmarinada.


 
Marti sharaf badan ayaa ka soo qeyb gashay oo ka mid ahaayeen Amiin Caamir, Maxamed Diini, Axmed Guure,  Maxamed Ismaaciil,  Cabdi Dheeg, Macalin Joon, Daahir Cali Kulmiye, iyo Yuusuf Yuusuf.





Hashim Ducaale, Hiiraan Online
Amsterdam, Netherlands
[email protected]













Click here
5/19/2013 4:17 PM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Maamulka cusub ee gobolka Bay ayaa la sheegay inuu soo dhexgalay khilaaf aa aad u xooggan, kaasoo keenay inay joogsato wadashaqeyntii u dhexeysay guddoomiyaha gobolka iyo xubnaha kale ee maamulka gobolkaas ku jira.

5/19/2013 3:57 PM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Bari ayaa maanta xukuntay bad-maaxiin u dhashay dalka Iiraan - kuwaas oo saarnaa doomo si sharci darro ah uga kalluumeysaneyey xeebaha Puntland- oo ay dhowaan ciidamada badda ee Puntland gacanta kusoo dhigeen.

5/19/2013 12:02 PM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saartay maanta waxay ku sheegtay inay gudahooda kasoo baxeen kooxo ujeeddadoodu tahay inay kala dhantaalaan safka xoogaggooda dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taageeraya.

5/19/2013 10:04 AM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ya soo saartay war ay uga hadashay mowqifkeeda ku aaddan go’aankii ay Somaliland toddobaadkii hore ku joojisay duulimaadyadii diyaaradaha Qaramada Midoobay ay ku tegi jireen magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, iyadoo dowladdu ay sheegtay in go’aankaas uu ka horimaanayo xeerarka duulimaadyada caalamka.

5/19/2013 10:03 AM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Shir hordhac u ah shirweyne looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo shirkan ay kasoo qayb-galeen mas'uuliyiin ka socotay Rugaha ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya.

5/19/2013 9:02 AM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Munaasabad balaaran oo loogu dabaaldegayo sanad guuradda 22ad ee ka soo wareegtay maaalintii Somaliland ku dhowaaqday inay soomaaliya inteedda kale ka go’day ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland.

5/19/2013 8:37 AM EST
Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo ay Soomaali kamid tahay xubnihiisa ayaa isku dayaya inay isu soo dhaweeyaan dhinacyada ku lugta leh, khilaafka siyaasadeed ee ka taagan jubbooyinka.

5/19/2013 7:58 AM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Dalka Mareykanku waxaa uu ka mid yahay meelaha ay Soomaalidu magangashay markii gudaha dalkooda ay dhibaatada colaadeed ka dilaacday, qarankiina burburay, waxaana ay ku kala nool yihiin gobolada kala duwan, gaar ahaan Minnesota oo lagu tilmaamo in ay tahay halka ay Soomaalida ugu badan isku soo urursadeen.

5/19/2013 7:11 AM EST
Axad, May 19, 2013(HOL) :- Wafdigii ka socday urur goboleedka IGAD ee shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulamo gooni gooni ah gudaha magaalada Kismaayo kula leh siyaasiyiinta iyo odoyaasha beelaha dega Jubooyinka.

5/19/2013 2:33 AM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa lagu soo rogay bandow billaabanaya 5:00 gallabnimo kaasoo soconaya illaa aroorta hore ee maalinta xigta, waxaana bandowgan lagu sheegay inuu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka degmada.

5/19/2013 2:22 AM EST
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Sarkaal ka tirsan nabadsugidda Kenya ayaa xalay lagu dilay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, iyadoo tani ay sare u sii qaadayso ammaan-darrada ka jirta deegaannada ku yaalla Waqooyi-bari dalka Kenya.