4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Ciidamada Dowladda oo Degmada Xudur geeyay Madaxa Dagaalyahan Ururka Al-shabaab ka tirsan oo la Gowracay

Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) —Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray maanta deegaanka Lafaale oo ka tirasn degmada Xudur ee gobolka Bakool kaddib ayaa waxay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda waxay madaxa dagaalyahan ka tirsan Al-shababa oo ay soo jareen geeyeen degmada Xudur.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, iyadoo deegaanka lagu dagaalamay uu degmada Xudur u jiro 10-km, waxaana dagaalka uu socday muddo dhowr saacadood ah.

Madaxa la geeyay degmada Xudur ayaa wuxuu dadweynaha degmadaas ku nool ku noqday arrin farajacso ah maadaama aysan horay u arag, iyadoo lagu arkayay gudaha degmadaas dadweyne daawanaya madaxaas lasoo gooyay.

Waa qofkii labaad oo ay ciidamada dowladda ku sameeyaan falkan, kaddib markii bishii hore ay ciidamada dowladdu geeyeen degmada Baydhabo oo ah xaurnta gobolka Bay madaxa dagaalyahan ka tirsan Al-shababa oo ay gowraceen, kaasoo ahaa qof si weyn looga yaqaanay degmada Baydhabo.

Xarakada Al-shabaab ayaa looga bartay inay dadka gorwacaan, iyadoo tani ay noqonayso mid ku cusub ciidamada dowladda, waxaana Al-shabaab ay dhawaan ku gowraceen dhowr qof deegaanka Awdiile oo qiyaastii 30-km u jira degmada Baydhabo.

Ciidamad dowladda iyo Al-sabaab ayaa waxay u muuqdaan kuwo markii ay maxaabiis kala qabsadaan ay gowrac dhegta dhiigga u daraan, waana arrin aad u fool xun oo saameyn ku yeelan karta  shacabka ku nool gobolkaas.

Hiiraan Online, Baydhabo