4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wasiirkiisa Maaliyadda oo laga dalbaday inay Horyimaadaan Baarlamaanka Soomaaliya


Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirkiisa maaliyadda lacagta oo laga dalbaday inay horyimaadaan golaha baarlamaanka Soomaaliya si wax looga weydiiyo hoos u dhaca xoogga leh ee ku yimid doollarka, taasoo dhibaateyn ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Kulan ay xildhibaannadu yeesheen maanta ayay uga hadleen hoos u dhaca ku yimid sarifka doollarka, iyagoo sheegay in weli maciishadu ay meesheedii joogto halka doollarku uu dhulka ku dhacay, taasna ay tahay mid aan laga aamusi karin.

“Maadaama aan innagu mas’uul ka nahay shacabka Soomaaliyeed, waxaan codsanaynaa in ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka maaliyadda ay si dhaqso ah ku horyimaadaan baarlamaanka si wax looga weydiiyo arrintan iyo qorshaha dowladda ee ku aaddan dhibaatada ku habsatay shacabka,” ayuu yiri Xasan Abshir ka sheegay kulankii baarlamaanka.

Xildhibaan Xasan Abshir wuxuu hadalkiisa raaciyay in qoyskii loosoo diri jiray 100 illaa 200 oo doollar aysan ku filnayn wax ka badan toban maalmood, taasna ay tahay dhibaato weyn oo bulshada ku dhacday, wuxuuna sheegay in dowladda looga baahan yahay inay u istaagto sidii wax looga qaban lahaa maadaama ay iyagu matalaan shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cawad oo soo xiray kulanka baarlamaanka oo ay kasoo qaybgaleen 142 mudane ayaa wuxuu sheegay in ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka maaliyadda ay ogolaadaan inay baarlamaanka horyimaadaan si arrimahan wax looga weydiiyo.

Xukuumadda Soomaaiya ayaa bishii hore sheegtay inay u saartay arrintan guddiyo kasoo talo-bixiya, inkastoo tan iyo xilligaas uu hoos u dhaca sarifka aad u socday, isagoo maanta marayay 14,000 oo shillin halkii doollar halkii uu sannadkii hore ka ahaa 24,000 oo shillin.

Magaalada Muqdisho ayaa hoos u dhaca sarifku aad uga socdaa, iyadoo gobollada dalka qaarkooda uu qiimaha sarifku ka marayo halkii uu horay u joogay, lamana tallaabada ay arrintan ka qaadan doonto dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya