4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
XILDHIBAAN MAXAMED MAXAMUUD “Cali Samatar waa Nin Qirtay Dambigii uu galay, wixii dulmi galayna waa loosoo socdaa”.


Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah  dhibanayaashii dacwadda ku oogay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaalya Cali Samatar, ayaa ka hadlay waraaq uu Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Saacid u qoray  wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka oo uu kaga codsanayo in xukunkii lagu xukumay Cali Samatar la buriyo maadama oo uu xaasanad siyaasadeed leeyahay.

Baashe Cabdi Yuusuf (Baashe Cabdi Yare) oo ka  mid ahaa labaddii xubnood ee  dacwadda ku soo oogay Cali Samatar, ayaa sheegay in waraaqda uu qoray Ra’isal wasaaraha Soomaaliya waxba ka bedeli karin xukunkii ku Dhacay Samatar, maadaama oo dacwadaasi guud ahaanba wax ka bedeshay sharcigi Maraykanka u yaallay.

“Maanta waxay leeyihiin Soomaaliya dawlad rasmi ah ayaanu nahay waxayna doonayana sharcigii maxkamada sare xukuntay inay dib u celiyaan, ma celin karaan ayaa meesha ku jirta, waa maya, waayo maxkamadda sare waxa uu bedelay sharcigii Maraykanka ee jiray, waxaana bedeli kara uun golaha sharci dejinta Maraykanka, sharcigaasi wuxu joojiyey wasaaradi khaarajiga ee Maraykan ee xaqa u lahayd qofka xasaanada siyaasadeed leh ee ajanabiga ah ee meel kale ka soo geystay dambi inuu yeelan karo iyo in kale, waxa kale oo ay meesha ka saartay in qofkii geysta dambi xuquuqul iinsaan ee wadan kale ka geysta in aanay marna yeelan karin xaasanad”ayuu yidhi Baashe Cabdi Yare oo ka hadlayey in codsiga Ra’isal wasaaraha Soomaliya wax ka bedeli karo xukunkii ku dhacay Cali Samatar.

Baashe waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka aamustay wakhtigii dacwadu socotay iyo markIi xukunka dhacay, taas oo ay u arkaan in xukuumaddu ka hiilisay, waxaanay  madaxweynaha ku dhaliileen in aanay ilaa hadda ka hadal dacwadaasi iyo qoraalka Ra’isal wasaaruhu u qoray Maraykanka ee la doonayo in dacwadda lagaga baabi’iyo Cali Samatar oo dhawr iyo toban sanno dacwadiisu ku qaaday inay maxkamadda keenaan.

“Aamusku waa hiil, waxaan qabaa maalintii ay dawlada Somaliland naga aamustay inay naga hiilisay Aniga iyo cabdicasiis Iid iyo dhaman Somaliland oodhan, waxay ahayd in ay kor u qaado ay tidhaahdo maxkamada aduunka ha la geeyo Cali Samatar, ama ha la noo keeno Cali Samatar ayey ahayd inay tidhaahdo, laakiin aamuskaasi waxa ka faa’iidaystay soomaaliya”ayuu hadalkiisa ku daray .

Baashe waxa kale oo uu madaxweynaha ku dhaiilay in aanu ka soO qaybgalin maalinta dhagax tuurka oo ahayd markii dawladdii Siyaad Bare aqoonyahano uu ku jiray ku xukuntay dil iyo xabsi da’in, taas oo ka dhashay iska hor imaad saddex cisho socday oo dhexmaray ciidankii dawladda iyo ardaydii dugsiyadda sare ee magaaladda Hargeysa.

“Madaxweynuhu maalintii dhagax tuurka inta uu ka baaqdo ayuu tagay xaflad yar oo qiimo iigu fadhiyin. Waxaan qabaa in uu isbedel kugu yimid oo aanu isbedelkaasi ahayn mid soke”ayuu hadalkiisii raacayey, waxaanu intaas ku daray “dhalinyarada maanta waxaan leeyahay anagu mustaqbalkayagii waanu dhamaysanay dagaal hadal baa nagaga hadhay, idinka aayihiis leh, ha ogolaanin oo aniga iyo cid kala toona ha ka ogolaanina aayaha wadankan in uu ka taliyo”ayuu yidhi Baashe Cabdi Yuusuf.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda xildhibaan Maxamuud Maxamed Cumar Xaashi, waxaanu Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ku eedeeyey inuu ka baqayo in dambigii lagu oogay Cali Samatar soo galo maadaama oo wakhtigaasi uu madax ka ahaa Dekadda Berbera.

“Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waa ninkii Berbera ka shaqayn jiray ee wuxuu sameyn  jiray la ogaa, tijaaradan uu imika haysto halka uu ka keenay waa alaabtii uu kala wareegi jiray ganacstadda wax kala soo dega dekadda Berbera, hadii uu isleeyahay waa lagugu soo socdaa, ogow in aan lagu deynayn, haddii aad is leedahay Cali Samatar ku sii hore oo kasii dhigo albaab waxba ku tari mayso ee nin xumana falay iyo nin dulmi galay waa loo soo wada socdaa meel uu joogo”ayuu yidhi Xildhibaan:Maxamed Maxamuud, waxaanu intaas ku daray “Cali Samatar waxa weeyi nin isagu qirtay dambigi uu galay in uu ummadan dhameeyey qirtay oo waxba kama qaban kartaan, wixi idinka ee dulmi galayna waa loo soo socdaa”.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Dr:Cismaan Cabdi Maygaag, Axmed Xuseen Caabi iyo Najiib Axmed Shunuuf, waxaanay xubnahan ka mid ahaayeen dhawr iyo labaatan dhakhaatiir iyo macalimiin iskugu jirtay oo 1982 lagu xukumay dil iyo xabsi daa’in, waxaana xukunkaasi ka dhashay dhacdo ku caan baxay maalintii dhagax tuurka oo imika loo bixiyey maalinta dhalinyarada Somaliland  .

Waraaqdan uu qoray Ra’isal wasaaraha Soomaaliya waxay mucaaradad ku kicinaysa xukuumadda Somaliland, taas oo saameyn ku yeelanaysa ka qaybgalka Shirka May ee loo qabanayo Soomaaliya

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland