4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya oo la shaaciyay xubnihii ku guulaystay jagooyinka muhiimka ah
Khamiis, March 07, 2013 (HOL) - Wasiirka gaashaandhiga dalka Kenya Yuusuf Xaaji ayaa noqday senatorka Garissa, kadib markii uu si dirqi ah kaga guulaystay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Faarax Macallim oo muddo ku dhow labaatan sano ahaa xildhibaanka deegaanka Dhadhaab.

Governor ama jagada gudoomiyaha ee Garissa ayaa waxaa ku gulaystay  Nadiif Aadam oo horay u ahaan jiray madaxii bankiga First Community bank ee dalka Kenya.

Waxaana uu ka guulaystay Maxamed Mawliid Shuuriye, Haaruun Yuusuf iyo Bunow qorane, iyadoo tartankan uu ahaa mid xamaasad badan oo ay musharrixiinta tiro isu dhow heleen.

Degmada Wajeer ayaa waxaa helay booska senate-ka C/raxmaan Colow oo doorashadii hore looga adkaaday kursiga baarlamaanka ee koonfurta Wajeer oo ku celis ahayd.

Bilow keerow oo kamid ah garyaqaanada ugu caansan dalka Kenya oo u dooda xuquuqda muslimiinta iyo Soomaalida Kenya ayaa isna noqday senator-ka degmada Mandheera.

Marka laga soo tago gobolka waqooyi bari ee Kenya ee Soomaalida, Kenya inteeda kale ayaa u muuqata in is badal xoog leh uu ka dhacay, iyadoo gabi ahaan meesha laga saaray xildhibaanadii horay mudada dheer uga soo gali jiray deegaannada.

Dadka caanka ah ee doorashadan ku khasaaray ayaa waxaa kamid ah, wasiirka arrimaha dibadda Sam Ongeri, wasiirkii hore ee dalxiiska Najiib Balala, wasiiraddii biyaha Charet Ngilu, Shirau Ali Makwere,Danson Mungatana, Amos Kimunya , Henry Kosgey,Sally Kosgey, Faarax Macallim,Maxamed Cabdi Affey iyo siyaasiyiin kale oo caan ah oo dhammaantood cidla ku soo dhacay, kuwaasoo muddo ku dhow 20 sano noqonayay xildhibaano ama wasiirro.

Waxaana dib u soo noolaaday mar kale qoyskii madaxweynihii hore ee Kenya Danial Arab Moi, iyadoo labo wiil oo uu dhalay ay kala heleen xildhibaan iyo Senator, deegaanka Baringo oo ka tirsan gobolka Rift Valley.

Kenyaan badan oo warbaahinta la hadlay ayaa farxad ka muujiyay isbadalka cusub ee ka dhacay Kenya oo inta badan ay kasoo galeen dad dhalinyaro ah oo siyaasadda ku cusub.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya