4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Kooxo Hubeysan oo Baydhabo ku dilay qof rayid ah iyo Muran Maamulka Bay ku saleysan oo ka taagan Degmadaas

Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay gurigiisa ka kaxaystay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Nuur Shacbaan oo 20-jir ahaa iyagoo toogtay markii ay guriga u jirsadeen hal KM, iyadoo ku dhuftay rasaas badan oo keentay in lagu aaso halkii lagu dilay.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa dawaarle ama harqaanle dharka tola oo aad loogu yaqaanno magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo ay u suurogashay inay baxsadaan kooxaha dilkiisa geystay.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ka jira muran ka dhashay maamulka ay dowladdu u magacowday gobolkaas, iyadoo qabaa’illada qaarkood ay kasoo horjeesteen guddigaas, waaayo qabaa’illada qaarkood kuna jiraan guddiga horay loogu saaray magacaabista maamulkan.

Ciidamada maamulka qaarkood ay shalay is-hortaag ku sameeyay howlihii maamulka gobolka Bay, iyagoo diiday in xafiisyada maamulka ay sidii caadiga ahaa loogu shaqeeyo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta ka dhacay bannaanbax loogu soo horjeedo maamulka cusub ee gobalka Bay, iyadoo wadooyinka magaalada lagu arkay caruur iyo haween fara badan oo dibadbaxa ka qayb-qaadanayay.

Sidoo kale, magaalada Baydhabo  waxaa lagu arkayay ciidammo fara badan oo ka yimid deegaannada ka baxsan degmada Baydhabo, iyadoo ay cabsi weyn ka jirto xaaladda magaalada Baydhabo.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay deegaanka Awdiinle waxaa lagu dilay 10 qof taasoo muujinaysa in ammaankii gobolka uu faraha kasii baxayo, iyadoo ay ka taagan tahay gudaha degmada is-qabqabsi dhinaca maamulka.

Hiiraan Online, Baydhabo