4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Soomaalida ku nool Degmada Kamakunji ee Magaalada Nairobi oo si balaaran ugu soo baxday Doorashada (SAWIRRO)
ELECTION5.jpg

Isniin, March 04, 2013(HOL) - Kumannaan Soomaali ah oo ku nool degmada Kamakunji, gaar ahaanna xaafada Islii ayaa galay safafka dhaadheer oo inta badan codbixiyayaasha dalka Kenya oo dhan ay taagnaayeen maanta.

Waxaana dadkan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada lagu dhex arkayay hooyooyin da' ah oo codkooda dhiibanaya, halka hooyooyin kalana ay safafka galeen iyagoo caruurtooda xambaarsan.

Waxaana saaka subaxnimadii hore goob codbixineed oo ku taalla Islii codkiisa ka dhiibtay xildhibaanka deegaanka Kamakunji Yuusuf Xassan oo mar kale isu soo taagay isla xilkaasi.
Yusui.jpg


Xildhibaanka ayaa wali ku socda gaariga dadka lugaha naafada ka ah, maadaama uusan si toos ah uga soo kaban dhaawac soo gaaray mar bam gacmeed lala beegsaday, isagoo kasoo baxay mid kamid ah masaajiyada xaafada Islii.

Ciidamada ammaanka ayaa inta badan magaalada gaafwareegaya, si loo xaqiijiyo ammaanka oo ay dawladu ugu talagashay inay sugaan ciidan gaaraya 99,000 oo askari oo lagu baahiyay guud ahaanba dalka Kenya.

Qaar kamid ah dadweynaha codkooda dhiibtay oo la hadlay Hiiraan Online ayaa ku tilmaamay doorashadan mid taariikhi ah, oo hadii ay nabad ku dhammaato laga filayo in is badal uu ku yimaado siyaasada iyo dhaqaalaha dalka Kenya.

"Dalku dhawaan wuxuu yeeshay dastuur cusub, waxaana dawlada soo socota ay ku shaqayn doontaa dastuurkan oo xuquuqda dadka ilaalinaya" ayuu yiri Maxamuud Faarax oo kamid ah dadkii soo codeeyay.

ELECTION.jpg

Dalka Kenya ayaa markii uu kasoo baxay rabshadihii uu dhiiga badani ku daatay ee 2007-2008-dii hirgaliyay dastuur cusub oo dimuqraadi ah, kaasii ogolaanaya nidaam cusub oo uu dalka yeelanayo, magaalo kastana ay yeelanayso nidaam hoosaad u gaar ah kaasoo loo bixiyay "County governments" oo lagu baahinayo awoodaha dawlada.

Waxaana dastuurka cusub ee Kenya ka hirgalay la filayaa inuu wax ka badalo horumarka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee deegaannadii horay loo xaqiri jiray oo uu kamid yahay gobolka waqooyi bari ee Soomaalida oo kamid ah, gobollada ugu dambeeya dalka marka la fiiriyo dhinaca horumarka dhaqaale.

Doorashadan maanta ka bilaabatay Kenya ayaa lagu dooranayaa Madaxweynaha dalka, baarlamaanka, senate-ka,gudoomiyayaasha dawladaha hoose,kuwa deegaannada iyo dadka matalaya countiyada.

Waxaana codbixiye kasta laga rabaa inuu u codeeyo cida ku matalaysa lix jago oo kala duwan, kuwaasoo intooda badan ay ku cusubtahay Kenyaanka, maadaama lagu abuuray dastuurka cusub ee dalka jagooyin aan horay loo aqoon.

Dad badan ayaa cabasho ka muujinaya oo kala garan waayay qaabka loogu codaynayo masuuliyiinta lixda jago ee kala duwan, waxaase gudiga doorashadu ay arrintan u saareen dad ka caawiya codbixiyayaasha oo lagu arkayo goobaha codbixinta.

ELECTION10.jpg
ELECTION11.jpg
ELECTION2.jpg
ELECTION3.jpg
ELECTION4.jpg
ELECTION6.jpg
ELECTION7.jpg
ELECTION8.jpg
ELECTION9.jpg


Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya