4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi balaaran oo uu Hoggaaminayo oo xalay gaaray xarunta dalka Qatar ee Dooxa (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaasoo uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta dalka Qatar.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiika arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda, Maxamud Xasan Suleymaan, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, taliyaha nabad-sugidda, Axmed Macallin Fiqi iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan).

Safarka madaxweynaha uu ku tagay dalka Qatar ayaa noqonaya kiisii 15-aad ee uu dal dibadda ah ku tago tan iyo markii xilka madaxweynenimo loo doortay muddo lix bilood laga joogo.

“Madaxweynuhu wuxuu casuumaad rasmi ah ka helay amiirka dalka Qadar, Sheekh Xamad Bin Khalifah Al-thani,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo lagu faahfaahinayay safarka madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa.

Dalka Qatar ayaa wuxuu ka mid yahay dalalkii taageerada xooggan ka geystay doorashadii madaxnimo ee Soomaaliya, taasoo uu ku soo baxay madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha uu madaxweynuhu kala hadli doono madaxda Qatar.

Booqashooyinka madaxweyne Xasan uu ku tagayo dalalka caalamka ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwo lagu soo celinayo xiriirkii ay Soomaalia la lahayd dalalka caalamka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya