4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2013
Dhakhaatiirta AMISOM oo ku dhawaaqday in cudurka halista ah ee Daacuunka uu ka dillaacay Magaalada Baladweyne

Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Dhaqaatiirta caafimaadka ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa ku dhawaaqay in magaalada Baladweyne uu ka dillacay cudurka daacuunka.

Dr. Cabdi Waabari Geedi oo ah dhatarka ciidamada midowgga Africa ee gacanta ku haya dadka uu soo ritay cudurka, ayaa sheegay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in uusan aheyn shuban biyood ka dhashay kuleylaha, laakiin uu ka dillacay magaalada cudurka daacuunka kadib tijaabo loo qaaday magaalada Nairobi si baaritaan loogu sameeyo.

“Qofkii ugu horeeyay cudurkan waxaan ku aragnay 16 bishan Maarso, waxaan u heysanay in uu yahay cudur ka dhashay kuleylaha iyo hoos u dhaca biyaha wabiga, laakiin markii danbe tijaabo laga qaaday biyaha iyo saxarada dadka  cudurka la ildarran oo loo dirray magaalada Nairobi si sheybaar loogu sameeyo waxaa lagu ogaaday in uu yahay cudurka daacuunka,’’ ayuu yiri Dr Cabdi Waabari Geedi.

Mar uu ka jawaabayay su’aal aheyd da’da dadka ugu badan ee uu cudurku haleellay waxaa uu sheegay in ay ugu badan yihiin curuurta oo ah  kuwa ugu saameynta nugul cudurada noocan oo kale ah.

“Caruurta ayaa ugu badan gaar ahaan kuwa ay da’dooda ka yartay shanta sano, waa ay jiraan dad waaweyn oo uu cudurku ku dhacay, laakiin dadka ugu badan waa caruurta,’’ ayuu sheegay Dr Cabdi Waabari Geedi.

Waxaa uu dhinaca kale sheegay in ay hoos u dhaceen tirada dadkii maalin kasta la geyn jiray xarumaha loogu talagalay in lagu daweeyo bukaanka, isaga oo kula taliyay bulshada in ay ku dadaallaan nadaafada oo muhiim u ah ayuu sheegay ka hortaga cudurka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya