4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2013
Roobabka Guga oo Ka Curtay Deegaanno ka tirsan Gobollada Mudug, Karkaar iyo Bari oo kawada tirsan Punltand

Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Iyadoo ay sanad walba marka xilligan oo kale  lasoo gaaro  roobabka gugu ka curtaan gobollo badan oo ka tirsan dalka, ayaa waxay roobab lagu diirsaday ka da’een deegaano ka tirsan Puntland.

Gobollada ay roobabka gugu ka curteen ayaa waxaa kamid ah: Mudug, Bari, iyo Karkaar. Roob muddo hal saac ku dhow socdey ayaa ka da’ay magaalooyin ay kamid yihiin: Qardho, Gaalkacayo iyo deegaanada ku yaal dhulka buuraleyda ah ee kulaala xeebta gobolka Bari.

Dhinaca kale waxaan weli wax dayac tir ah helin goobo ka tirsan wadada laamiga ah ee isku xirta gobollada Puntland iyo guud ahaan dalka, kaddib markii ay roobabkii da’ay xilligii dayrtu waxyeelo u geysteen.

Inkasta oo ay hay’adda dayactirka wadooyinka ee Punltand sameyseyn dadaal weyn oo ku aadan sidii arintaas wax looga qaban lahaa, waxaa hadana weli muuqda raadadka waxyeeladii ay roobabkii hore geysteen.

Curashada roorbabka guga ayaa kusoo aadeysa xilli ay deegaanada qaar ka jiraan abaaro xoogan iyo biyo la’aan. Waxaana xusid mudan in ay jiraan deegaano ka tirsan gobollada Bari iyo Karkaar, kuwaasoo aan muddo 5sano ka badan wax roob ah helin.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya