4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2013
Kal-fadhi aan Caadi ahayn oo Baarlamaanka Puntland uga Furmay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland [SAWIRRO]


Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe waxaa maanta ka furmay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen xubnaha golaha wakiiladda. Kulankan oo uu si rasmi ah u furay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa looga doodayaa qodobbo la xiriira doorashada goleyaasha deegaanka ee la fiyo in ay bilaha soo socda Puntland ka qabsoonto.

Qodobada kal-fadhigan ay baarlamaanku ku gorfeyn doonaan, waxaa kamid ah kuwo ay horay ururada siyaasadda ee Puntland uga biyo-diideen, haseyeeshee ay guddiga kumeel gaarka ah doorashoyinka Puntland codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo, maadaama aysan ahayn kuwo xilligan la hirgelin karo.

Waxaana qodabada ay guddiga doorashooyinku codsadeen in wax laga bedelo  horay usoo ansixiyey golaha wasiirada, inkasta oo aan ilaa iyo hadda la saadaalin Karin go’aanka uu arintaas baarlaanku ka qaadan doono. Qodobadan dib u eegista lagu sameynayana waxaa kamid ah: diiwaan gelinta dadka, kala xadeynta gobollada iyo sameynta aqoonsiga Puntlander-nimada.

Bayaan ay tododbaad kahor si wada jir ah usoo saareen shan kamid ah lixda urur-siyaasadeed ee rasmiga ah ee xilligan Puntland ka jira, ayey ku sheegeen in aysan aqbali doonin doorashada goleyaasha deegaanka, haddii uu guddiga doorashooyinku wax ka bedelo qodobadii horay loogu heshiiyey.

Qoraal kaas jawaab u ah oo kaso baxay xafiiska guddiga kumeel gaarka ah ee doorasooyinka Puntland, ayaa lagu sheegay in guddigu uusan sharciga marna ka bayri doonin, haseyeeshee qodobada qaarkood ay lagama maarmaan noqotay in laga tanaasulo, maadaama ay yihiin kuwo aan xilligan la hirgelin Karin.

Qaar kamid ah ururada siyaasadda ee ku tartami doona doorashooyinka goleyaasha deegaanka – oo noqonaya kuwii ugu horeeyey ee Puntland ka dhaca – ayaa si cad u sheegay in aysan doorashada ka qayb geli doonin haddii qaabka ay doorashadu u dhacayso wax laga bedelo.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya