3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2013
Gabar Asalkeedu Somali yahay oo u Sharraxan Hoggaanka Sare ee Hay'adda Ganacsiga Adduunka ee W.T.O.
Axad, March 24, 2013 (HOL) - Aamina Maxamed oo haysata dhalashada dalka Kenya, asalkeeduna Soomaali yahay ayaa dawlada Kenya ay u sharraxday inay hogaamiso ururka ganacsiga aduunka ee la yiraahdo World Trade Organization (WTO).


Aamina Max'ed waa dublamaasiyad u dhalatay Kenya asal ahaanna kasoo jeeda Soomaali

Haweenaydan oo ah dublamaasiyad caan ah ayaa ballanqaaday inay qaadi doonto tallaabooyin ay ku hormarinayso hay'ada Ganacsiga aduunka.

Waxayna sheegtay inay xooga saari doonto sidii loo balaarin lahaa ururkan ayna uga mid noqon lahaayeen xubno cusub si uu u noqdo hay'ad ay ka dhex muuqdaan dhammaan wadamada caalamku sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arriimaha dibadda ee Kenya oo soo xigtay fariin ay jeedisay Aamina.

Xilka aamina ay u sharraxantahay waxaa u taagan 8 musharrax oo iyadu kamid tahay kuwaasoo kala ah:
Alan John Kwadwo Kyerematen oo u dhashay (Ghana), Anabel Gonzalez (Costa Rica), Mari Elka Pangestu (Indonesia), Tim Groser (New Zealand), Ahmad Thougan Hidawi (Jordan), Herminio Blanco (Mexico), Taeho Bark (South Korea) iyo Roberto Carvalho de Azevedo (Brazil).

Aamina ayaa ballanqaaday inay diiradda saari doonto koboca dhaqaalaha, ciribtirka shaqo la'aanta, ilaalinta deegaanka gaar ahaana sii kululaanshiyaha cimilada iyo adkaynta helitaanka cunooyinka aasaasiga ah ee dadweynaha aduunyada.

“La'aanshaha siyaasad ganacsi oo fadhida waxay khatar ku tahay sumcada hay'ada ganacsiga aduunka oo ah hay'ad looga fadhiyo soo celinta koboca dhaqaale iyo kasoo kabashada burburkii dhaqaalaha aduunyada" ayay ku tiri qoraal ay jeedisay.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in Aamina ay haatan socdaal ku marayso qaar kamid ah wadamada Yurub iyo Asia si ay uga hesho taageero siyaasadeed.

Haweenaydan ayaa kasoo qabatay dalka Kenya jagooyin kala duwan, waxayna haatan tahay safiiradda Kenya u joogta xarunta qaramada midoobay ee Geneva.

Waxay kaloo haysaa xilka ku xigeenka madaxa Hay’adda UNEP ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.
Aamina Maxamed ayaa ah haweenaydii ugu horreysay oo asal ahaan Soomaali ah u tartanta jago caalami ah, haday ku guulaysatana waxay noqonaysaa haweenaydii ugu horreysay oo Afrika kasoo jeeda oo qabata xilkaas.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya











Click here
3/24/2013 1:45 PM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Wasiirka horumarinta iyo addeega bulshada ee xukuumadda Soomaliya, Drs. Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay kaddib markii laba toddobaad socdaallo shaqo ay kusoo kala bixisay bixisay dalalka Denmark iyo Ingiriiska.

3/24/2013 12:39 PM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Iyadoo ay sanad walba marka xilligan oo kale lasoo gaaro roobabka gugu ka curtaan gobollo badan oo ka tirsan dalka, ayaa waxay roobab lagu diirsaday ka da’een deegaano ka tirsan Puntland.

3/24/2013 12:35 PM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe waxaa maanta ka furmay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen xubnaha golaha wakiiladda. Kulankan oo uu si rasmi ah u furay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa looga doodayaa qodobbo la xiriira doorashada goleyaasha deegaanka ee la fiyo in ay bilaha soo socda Puntland ka qabsoonto.

3/24/2013 9:00 AM EST
Axad,24 Maarso, 2013(HOL):- Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaasina isugu jiray Wasiirro, XIldhibaanno, iyo Saraakiil ayaa maanta kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, iyadoona ay halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamul KMG ee magaalada Kismaayo.

3/24/2013 8:25 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay wasaaradda gaashaandhigga iyo xerada Villa Baydhabo isagoo halkaas kula hadlay ciidammo kulanana la qaatay saraakiisha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka.

3/24/2013 7:54 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Wafdi isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

3/24/2013 7:25 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya iyo xooggga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kaasoo geystay khasaare aad u xooggan.

3/24/2013 4:48 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Wasiirro iyo xildhibaanno xukuumadda ka tirsan ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose halkaasoo la filayo inuu ka furmo shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, iyadoo la adkeeyay ammaanka guud ee Kismaayo.

3/24/2013 4:12 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Hay’adda nabad-sugidda Qaranka ayaa soo bandhigtay magacyada laba ruux oo weeerarro ismiidaamin ah ka fuliyay toddobaadkii hore magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay kasoo jeedeen gobolka Galguduud.

3/24/2013 4:07 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Qorshaha lagula wareegay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool wuxuu marayaa meel gabo-gabo, sidaa ayuu ku sheegay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi warsaxaafadeed uu maanta kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho.

3/24/2013 2:55 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Mucaaradka dagaalka kula jira xukuumadda jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa sheegay inay gudaha u galeen qaybo ka mid ah xarunta dalkaas ee Bangui, iyagoo sheegay in go’aankoodu yahay inay ridaan xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne, Francois Bozize.

3/24/2013 2:20 AM EST
Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Wasiirka gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleedd ayaa sheegay inay dhiirri-gelinayaan sugidda amniga Muqdisho, kaddib kulan uu la yeeshay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.