4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2013
Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Xoogaga Al-shababa oo ka dhacay Gobolka Gedo

Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya iyo xooggga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kaasoo geystay khasaare aad u xooggan.

Sarkaal u hadlay dowladda oo lagu magacaabo, Col. Cabdi Barre Cabdi ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerarka ku qaadeen halka loo yaqaan birta-dheer oo 18-km Koonfur kaga beegan degmada Garbahaarey oo ay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab ayna ka qabsadeen.

“Ciidamada dowladda iyo Itoobiya ayaa ku sugan deegaanka, dagaal kaddib waa laga saaray Al-shabaab, ciidamada dowladduna waxay kusii socdaan hadda dhinaca degmada Buur-dhuubo,” ayuu yiri Col. Barre oo saxaafadda la hadlay isagoo ku sugan deegaankii lagu dagaalamay.

Isagoo ka hadlaya khasaaraha dagaalka ka dhashay ayaa wuxuu sheegay in dhankooda ay jiraan askar ka dhaawacantay, balse ay Al-shabaab ka dileen ciidammo fara badan kuwo kalena ay ka dhaawaceen, wuxuuna xusay inaan hadda la sheegin karin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay.

Balse warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in tiro ka badan 10 askari oo labada dhinac ah ay ku dhinteen dagaalka, dhaawucuna uu ka badan yahay laabatameeyo, iyadoo dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka kala duwan uu socday muddo saacado ah.

Al-shabaab weli kama aysan hadlin dagaalkan, waxaana dagaalku uu kusoo beegmayaa xilli maamulka goblka Gedo ay sheegeen inay wadaan qorshe ay Al-shabaab uga saarayaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Degmada Buur-dhuubo iyo degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa ka tirsan Al-shabaab, iyadoo degmooyinka kale ee gobolkaas ay ka taliyaan maamullo hoosyimaada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee ka tirsan AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya