4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2013
Mucaaradka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika oo sheegay in ay galeen qaybo ka mid ah Caasimadda Dalkaas (SAWIRRO)


Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Mucaaradka dagaalka kula jira xukuumadda jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa sheegay inay gudaha u galeen qaybo ka mid ah xarunta dalkaas ee Bangui, iyagoo sheegay in go’aankoodu yahay inay ridaan xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne, Francois Bozize.

Afhayeenka jabahadda, Nelson Ndjadder ayaa sheegay in xoogaggoodu ay soo rideen diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo taageeraysay ciidamada dowladda, wuxuuna intaas ku daray inay ku wajahan yihiin madaxtooyada dalkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay gudaha caasimadda dalkaas ku arkeen boqolaal ka tisran malleeshiyada mucaaradka oo ku sugan waddooyinka qaarkood, kuwaasoo dagaal kula jira ciidamada dalkaas oo aan awood badan lahayn.

Jabhadda oo lagu magacaabo Seleka ayaa sheegtay inay dagaalamayaan inta ay ka ridayaan xukuumadda dalkaas oo xukunka haysay tan iyo sannadkii 2003, markaasoo uu afgambi milateri xukunka kula wareegay madaxweynaha talada haya.

Kooxdan mucaaradka ah ayaa dagaal kula jiray ciidamada dowladda tan iyo bishii December ee sannadkii hore, kaddib markii madaxweynaha ay ku eedeeyeen inuu fuliyo heshiisyadii ay la galeen.

Dalka Faransiiska oo horay u gumeystay Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Mdioobay inay si deg-deg ah uga hadlaan xaaladda ka taagan dalka Bartamaha Afrika.

Sidoo kale, dowladda Faransiisku waxay sheegtay inay ciidammo u dirayso dalkaas si ay u sugaan ammaanka garoonka diyaaradaha, maadaama ay ku nool yihiin dalkaas dad badan oo u dhashay Faransiiska.

Jahuuriyadda Afrikada dhexe oo xorriyaddeeda qaadatay sannadkii 1960-kii ayaa waxaa ka dhacayay tan iyo xilligaas kacdoonno iyo afgambiyo xukunka lagu kala qaato.

Inkastoo dalkaas uu yahay mid qani ku ah, dahabka, dheemanka iyo khayraadyo kale, haddana wuxuu ka mid yahay dalalka ugu faqrisan qaaradda Afrika.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya