4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2013
Barakacayaashii ku jiray Xeryaha Baydhabo oo Deeegaannadoodii ku Laabtay si ay beerahooda u beertaan (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 23, 2013 (HOL) — Barakacyaashii ku noolaa Baydhabo ayaa billaabay inay dib ugu laabtaan tuulooyinkii ay markii hore ka yimaadeen kaddib markii ay waayeen cid taakuleysa ama dib u dejin u samaysa.

Xerooyinkii ay ku noolaayeen dadkaas ayaa noqday kuwo faaruq ah, kaddib markii ay deegaannadooda ka curteen roobabkii gu’ga, iyagoo bilaabay inay dib u abuurtaan beerahoodii beeraleydii, iyadoo aad arkeysid in abuur ay isa siinayaa beeraleyda gudahooda .

Waxay ka cabanayaa ha’yadaha samafalka inasn inaysan siin wax taakuleyn ah, iyagoo iska indho-tiraya xilliga ay jirto baahida, waxayna sheegeen inay kusoo aadinayaan abuurka xilliga ay beerahooda abuurtaan.

“Inta badan hay’aduhu waxay abuurka keenaan marka ay beerahooda miro ku beeraan, taasna waa caadada ha’yadaha samafalka,” ayuu yiri C/llaahi Aadan Guudoow oo ka mid ah dadkii ka baxay xeryaha barkacayaasha ee ku laabtay deeggaannadooda.

Gobolka Bay ayaa ka mid yahay gobollada ugu wax-soo-saarka badan dalka, iyadoo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ay ka jireen abaaro daran, inkastoo ay roobab lixaad leh ka da’ayeen dhowrkii casho ee lasoo dhaafay.



Hiiraan Online, Baydhabo