4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2013
Walxaha Qarxa oo laga soo saaray mid ka mid ah Waddooyinka Waa-weyn ee Magaalada Kismaayo dhexmar [SAWIRRO]



Sabti, 23 Maarso, 2013(HOL) - Ciidamada nabadsugidda degmada Kismaayo ayaa maanta soo bandhigay Walxaha qarxa oo ay saaka kasoo bixiyeen mid kamid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo.

Taliyaha ciidamada nabadsugidda gobollada Jubooyinka Ismaaciil Max’ed Kheyr oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waxlaha qarxa oo isugu jira Miinooyin iyo banbaanooyin ay kasoo bixiyeen mid kamid ah wadooyinka ugu mashquulka badan ee magaalada Kismaayo.

Masuulkani ayaa sheegay in qaraxa la dhigay saanqaafka mid kamid ah guryaha ku yaal isgoyska Somali Star oo ah goob aad u mashquul badan, wuxuuna xusay in howlkalkaasi ay kusoo saareen walxahaasi qarxa ay u fududeeyeen dadka shacabka ah eek u dhaqan halkaasi.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay dabagal ku hayaan dadkii qaraxa meesha ku qariyay islamarkaasina ay hayaan raadiid ay reebeen kooxihii qaraxa meesha ku qariyay, wuxuuna intaa ku daray in uu ku rajo weynyahay in ay gacanta kusoo dhigi doonaan.

Ugu danbeyn waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo in ay la shaqeeyaan ciidamada maamulka islamarkaasina ay kusoo wargeliyaan wixii ay u arkaan in ay qatar ku yihiin ammaanka.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo ciidamada nabadsugidda Jubooyinka ay gacanta ku dhigaan walxaha qarxa oo lagu qariyay mid kamid ah wadooyinka magaalada Kismaayo, haseyeeshee dhawaan ayay ahayd markii ay Miino kasoo saareen mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo.

 

………………….
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.