4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2013
Iska-horimaad Ciidammo kawada Tirsan Dowladda Soomaaliya ku Dhexmaray Koontarool ku yaalla Degmada Marko

Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Askari ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaal muddo socday oo ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dhexmaray kartool laga galo degmada Marko ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Iskahorimaadka ayaa yimid kaddib markii ciidammo ku sugnaa koontaroolka ay rasaas ku fureen gaari kuwa rakaabka ah, taasoo dhalisay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dadkii gaarigaas la socday.

“Dagaal muddo kooban socday ayaa ka dhacay koontarool laga soo galo degmada Marko, waxaana halkaas ku dhintay hal askari, saddex kale oo uu ku jiray sarkaal ka tirsan ciidamada dolwaddana wuu ku dhaawacmay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Marko  C/raxmaan Macallin Cukaash oo saxaafadda la hadlay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus oo ciidamadu ay isku adeegsadeen hubka fudud, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay iskahorimaadkaas, marka laga reebo warka laga soo xigtay guddoomiyaha degmada.

Xaaladda koontaroolkii uu dagaalku ka dhacay ayaa deggen iyadoo halkaas la geeyay ciidammo kale oo ka tirsan kuwa dowladda, waxaana sarkaalkii ku dhaawacmay iskahorimaadkaas lagu daweynayaa Isbitaal ay AMISOM ku leedahay Muqdisho.

“Waxaan amar ku bixiyay in lasoo xiro askariga gaariga shacabka watay ku furay rasaasta, kaasoo dagaalku uu ka billowday,” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku daray.

Degmada Marko ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii Al-shabaab laga qabsaday sannadkii hore, waxaana ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa Midowga Afirka, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay uu iskahorimaad uu ku dhexmaro ciidamada kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya