2014-11-26
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
Wafdi sare oo uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la Filayo inuu Booqdo Magaalada Kismaayo


Khamiis, 21 Maarso, 2013(HOL) - Wafdi uu hogaaminayo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi faarax Shirdoon Saacid ayaa la filayaa in uu dhawaan soo gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan masuuliyiinta shirka maamul u sameynta Jubooyinka.

Gudoomiyaha gudiga Farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka C/qani Cabdi Jaamac oo hadal ka jeediyay shir ay maanta isugu yimaadeen ergada ka qeybqaadaneysa shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ayaa sheegay in 23-ka bishan la filayo in magaalada Kismaayo uu soo gaaro wafdi uu horkacayo ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Masuulkani ayaa sheegay in ay wadaan diyaargarow ku aadan soo dhaweynta wafdigaasi, isagoona xusay in wafdiga ra’isul wasaaraha uu ka qeybqaadan doono howsha maamul u sameynta gobollada Jubooyinka.

“Waxaa aad iyo aad farxad weyn inoogu ah in labada maalmood ee soo socoto uu inoo iman doono ra’isul wasaarihii dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), wuxuuna noogu iman doonaa halkan booqasho, waan u diyaargarooweynaa, waan soo dhaweyneynaa, waana nin reer Jubbaland ah,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Arinta ku aadan imaatinka wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ayaa siweyn looga hadal hayaa magaalada Kismaayo, waxaana ay dad badani aaminsanyihiin in imaatinka wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya uu wax weyn ka badali doono kala duwanaashihii xaga fikirka ee arinta maamul u sameynta Jubooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore wufuud kala duwan usoo dirtay magaalada Kismaayo, haseyeeshee wafdiga ra'isul wasaaraha ayaa hadii uu yimaado wuxuu noqon doonaa wafdigii ugu cuslaa ee ka socda dowladda Soomaaliya oo soo gaara magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online.
Hnur@hiiraan.com
Kismaayo-Soomaaliya





Post your comments

2013-03-21 3:22 PM EST
Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, saddex qof oo uu ku jiray sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha, kaasoo lagu bartilmaameedsanayay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

2013-03-21 2:26 PM EST
Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay isku diyaarinayaan sidii ay ula wareegi lahaayene goobihii ay Itoobiya kala baxday ciidamadeeda.

2013-03-21 1:45 PM EST
Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, kaasoo uu guddoominayay ra’iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodobbo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen qorshe loogu magac-daray “The New Deal”, arrimaha amniga iyo soo celinta hantidii dowladda, gaar ahaana warshaddihii dalka.

2013-03-21 1:16 PM EST
Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer howleed ku tagay dekedda weyn ee magaalada, waxaana kormeerkan ku wehlinayay xubno dowladda ka tirsan, wuxuuna socod ku maray bakhaarada dekedda iyo goobaha kale oo ay ka kooban tahay dekedda.

2013-03-21 11:12 AM EST
Khamiis, 21 Maarso, 2013(HOL):- Laba askari ayaa ku dhimatay mid kalena waxaa kasoo gaaray dhaawac kadib markii ay israsaaseyn dhexmartay askar kawada tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee magaalada Kismaayo.

2013-03-21 9:56 AM EST
Khamiis, 21 Maarso, 2013(HOL) - Gudiga isboortiga gobolka J/hoose oo maanta shir jara’aid ku qabtay xafiiskooda magaalada Kismaayo ayaa u mahadceliyay shaqsiyaad ay sheegeen in ay gacan weyn ka geysteen sidii dib loogu dhisi lahaa Isboortiga gobolka J/hoose.

2013-03-21 8:26 AM EST
Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Afar ka mid ah ciidamada xoogga dalka ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadaha ku teedsan jidka warshadaha.

2013-03-21 8:09 AM EST
Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Magaalooyinka Somaliland ayaa maanta laga xusay maalinta biyaha aduunka oo si weyn loogu dabaaldegay qiimaha ay leeyihiin biyuhu.

2013-03-21 7:51 AM EST
Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan Xuquuqda Aadanaha kula yeeshay maanta xarunta madaxtooyada khabiir Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca xuquuqda aadanaha, Shamsul Baari.

2013-03-21 2:53 AM EST
Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa lacag dhan 43-milyan oo doollar ugu deeqay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howgala Soomaaliya, waxaana gargaarkan lagu dhawaaqay Talaadadii lasoo dhaafay ee bishan Maarso ay ahayd 19-ka.

2013-03-21 2:30 AM EST
Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Waaxda arrimaha dibadda Mareykayka ayaa soo saartay warbixin lacago lagu dul dhigay madaxa laba ruux oo u dhashay dalka Mareykanka oo ka barbar dagaalama Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

2013-03-21 1:58 AM EST
Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay in ka badan afar kalena way ku dhaawacmeen iskahorimaad kooxo malleeshiyo ah ku dhexmaray xalay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.