4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: Somalia waxay u Tartamaysaa ka Mid Noqoshada Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaramada Midoobay


Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan Xuquuqda Aadanaha kula yeeshay maanta xarunta madaxtooyada khabiir Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca xuquuqda aadanaha, Shamsul Baari.

Kulanka ayay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Khabiirku ay kaga hadleen sida ay muhiim u tahay in Xuquuqda Insaanka Soomaaliya xoogga la saaro iyagoo si wadajir ah saxaafadda ugu sheegay in waxyaabihii kulankooda ay uga hadleen ay dhammaantood isku afgarteen.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn tacsi uu u diray ehelkii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen muwadiniintii ku geeriyooday qaraxii maalin hore ka dhacay Muqdisho. Kaddibna wuxuu ka hadlay arrimaha ku aaddan xuquuqul aadanaha.

“Soomaaliya waxay doonaysaa inay xubin ka noqoto guddiga u qaabilsan Xuquuqul Insaanka ee Qaramda Midoobay. Waana inaan ka noqono hormuud dhinaca xuquuqul Insaanka. Sidoo kalena aan waafajinno wax walba oo aan qabaneyno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu dib u habeyn ku sameeyo, dowladda qeybaheeda kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga iyo cadaaladda.

Isagoo arrintaas ka hadlayay ayuu madaxweynuhu yiri: “Mar dhow waxaa Muqdisho ka dhici doona shir loo qaban-qaabiyay sidii loogu hormarin lahaa oo dib u habeyn loogu sameyn lahaa cadaaladda iyo amniga. Waxaana ka soo qeyb-geli doona khuburo isugu jira Soomaali iyo ajnab,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu danbeyn, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in tiirka ugu muhiimsan ee ay hirsanayso dowladda ay tahay amniga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, taas awgedna waxaa mid naga go’an inaan arrimahaas oo dhan hirgelinno.

Dhanka kale, Shamsul Baari oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay si aad ah uga hadleen isaga iyo madaxweynaha arrimaha xuquuqul Insaanka uu u ballanqaaday in dowladdu ay xoogga saarayso ilaalinta xuquuqda aadamniga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya