4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
Ururka Midowga Yurub oo Malaayiin Doollar ku taageeray Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ka Howgala Soomaaliya


Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa lacag dhan 43-milyan oo doollar ugu
deeqay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howgala Soomaaliya, waxaana gargaarkan lagu dhawaaqay Talaadadii lasoo dhaafay ee bishan Maarso ay ahayd 19-ka.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan AMISOM si howgalladooda Soomaaliya ay u noqdaan kuwo miro dhala, waxayna sheegeen in lacagtan loogu talogalay in lagu sii wado howlaha 17,631-ka askari ee AMISOM ka socda ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, kuwasoo isugu jira milateri iyo booliis, sidoo kalena lagu wado howlaha xafiiska AMISOM ee Nairobi.

“Taageerada AMISOM waxay qayb ka tahay sidii Soomaaliya nabad loogu soo celin lahaa, loona xaqiijin lahaa ammaanka, sidii dib loogu hagaajin lahaa sharciga iyo kala dambeynta iyo horumarinta waxyaabaha saldhigga u ah adeegga bulshada,” ayay guddoomiyaha guddiga sare ee Midowga Yurub Catherine Ashton ku tiri warsaxaafadeed uu ururku soo saaray.

Guud ahaan taageerada uu Midowga Yurub siiyay ciidamada AMSIOM tan iyo markii ay billaabeen howgalkooda Soomaaliya sannadkii 2007 ayaa ah 575 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Howgalka AMISOM oo markii hore ahaa mid nabad ilaalin ah ayaa isku bedelay mid nabad dhalin ah, kaddib markii Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ay qabsadeen inta badan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo gobollada ku dhow-dhow.

Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya ayaa waxay haatan ka howgalaan inta badan gobollada Koonfurta Soomaaliya ku yaalla, sida Bay, Shabeellooyinka iyo Jubbada Hoose, halkaasoo ay kula dagaalamayeen tan iyo sannadkii hore Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya