4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
Mareykanka oo Malaayiin Doollar dul-dhigay Xubno Mareykan ah oo ka Barbar Dagaalama Xarakada Al-shabaab


Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Waaxda arrimaha dibadda Mareykayka ayaa soo saartay warbixin lacago lagu dul dhigay madaxa laba ruux oo u dhashay dalka Mareykanka oo ka barbar dagaalama Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu-Mansuur Al-Amriiki iyo Jehad Serwan oo loo yaqaan Mustaf ayaa la dul-dhigay shan milyan oo doollar, iyadoo la siin doono lacagtaas ciddii warbixintooda soo sheegta. Iyadoo labadan ruux ay ku jiraan liiska dadka ay FBI-da Mareykanku doon-doonayso.

“Xamaami iyo Mustafa waxaa xubno ka tirsan Al-shabaab, waxayna Al-shabaab ka caawiyaan dhinacyada milateriga iyo lacagaha ay ku dagaalanto kooxdan,” ayaa lagu yiri wraka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Warbixinta wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in labadan nin ee la doon-doonayo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin Soomaaliya, ayna si wanaagsan ugu hadlaan afafka Ingiriiska, Carabiga iyo Soomaaliga intaba.

Sarkaal u hadlay FBI-da Mareykanka ayaa sheegay in Xamaami iyo Mustafa ay wadaan qorshe ay ku weerarayaan dadka Mareykanka ah iyo hantidooda. “Waxaa la aaminsan yahay in labadan ruux ay ku lug leeyihiin qorshe lagu doonayo in lagu waxyeelooyo dadka Ameerikaank ah.”

Xamaami oo 29-jir ah kana soo jeeda gobolka Alabama ayaa wuxuu tagay Soomaaliya sannadkii 2006, isagoo ku biiray Al-shabaab, isagoo tababar ku qaatay gudaha Soomaaliya, isagoo ah dagaalgeliyo weyn oo Al-shabaab ka tirsan.

“Weli waxaan rumeysannahay inuu yahah shaqsi weyn oo muhiim u ah howlaha Al-shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri sarkaal u hadlay FBI-da Mareykanka oo wareysi siiyay telefishinka CNN ee Mareykanka laga leeyahay.

Mustafa oo la rumeysan yahay in da’diisu u dhexeyso 27 illaa 32 sano oo ku dhashay gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanak ayaa wuxuu Soomaaliya u safray sannadkii 2005, isago ku biiray dagaalyahannada Al-shabaab, isagoo ka mid ah dagaalgeliyayaasha xoogagga kooxdan.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli Al-shabaab ay dhawaan sheegtay in Cumar Xamaami uusan ka mid ahayn hoggaamiyeyaashooda dagaalka, sidoo kalena uusan wax lacago ah u soo ururin, balse uu yahay dagaalyahan ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab la safan.

Mareykanka ayaa horay toddoba milyan oo Dollar ciddii soo sheegta warbixin ku saabsan halka ay ku sugan yihiin kuwasoo dhammaantood ah Soomaali la sheegay inay xudun u yihiin dagaallada Al-shabaab ay kawaddo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya