4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
Iskahorimaad khasaare geystay oo Kooxo hubeysan ku Dhexmaray Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug


Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen iskahorimaad kooxo hubeysan xalay ku dhexmaray koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Taliyaha booliiska magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Qooreey ayaa sheegay inaysan garanayn sababta keentay dagaalka dhexmaray labada kooxood, balse ay wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii iskahorimaadku dhexmaray.

“Dagaalku wuxuu dhacay xalay 10:30 habeenimo, waxaana labada qof ee ku dhintay iyo afarta dhaawacmay ay ka mid ahaayeen dhinacyadii dagaalamay,” ayuu yiri Qooreey oo sheegay in falkan uu kusoo beegmay xilli magaaladu ay deggenayd bilhii lasoo dhaafay.

Maleeshiyada dagaalantay ayaan la ogeyn cid ay ka amarqaataan iyo sababta keentay iskahorimaadkooda, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in dhinacyadu ay isku adeegsadeen hub kala duwan oo u badan midka fudud.

“Aad ayaan u baqnay xalay, waayo dagaalku wuxuu ahaa mid aad u daran oo muddo socday, dhinacyadu waxay isku adeegsanayeen qoryaha culus iyo kuwa fudud, balse ma maqal rayid uu khasaare soo gaaray,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool Koonfurta Gaalkacyo.

Degmada Gaalkacyo ayaa waxay u qaybsan tahay laba dhinac, iyadoo ay ka kala taliyaan maamulka Galmudug iyo Puntland, iyado goobtii uu xalay ka dhacay iskahorimaadka uu ku yaallo dugsi sare.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya