4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2013
Ciidamada AMISOM oo Muddo kooban Xabsiga dhigay Jen. Yuusuf Indhacadde kaddib markii uu muran soo dhexgalay

Arbaco, Maarso 20, 2013 (HOL) — Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde) oo horay u soo noqday wasiir u dowlihii wasaaradda gaashaandhigga dowladdii KMG ahayd ayay ciidamada AMISOM ku xireen saakay muddo kooban garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaddib markii uu muran soo dhexgalay.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay in Jen. Indhacadde u diiday in baaris lagu sameeyo haween la socday oo doonayay inay garoonka ka dhoofaan, taasoo ay ciidamada AMISOM diideen, iyadoo markii dambe xaaladdu ay isku bedeshay fowdo.

“Indha-cadde wuxuu isku dayay inuu joojiyo gelitaanka iyo ka bixitaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo adeegsanaya ilaaladiisa gaarka ah oo la socday, laakiin taasi waxay ka careysiisay ciidamada AMISOM oo xiray Jen. Indhacadde,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan howlwadeennada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Howlaha garoonka ayaa dib u billowday markii la xiray Jen.Indha-cadde, iyadoo ugu dambeyn lasii daayay, lamana oga in sii dayntiisa ay tahay mid ay amar ku bixiyeen madaxda dowladda iyo in kale.

Gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM ayaa tan iyo saakay ku sugnaa afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo mas’uul horay xil uga soo qabtay dalka uu isku-dayo inuu is-hortaag ku sameeyo howlaha garoonka Muqdisho.

Taliska AMISOM iyo madaxda dowladda ayaan weli ka hadlin arrintan, iyadoo sidoo kale, Jen. Indhacadde uusan isaguna wax hadal ah kasoo saarin xariga ay u geysteen ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho ku sugan.

Garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa waxaa ilaalo ka haya ciidammo ka tirsan kuwa Midowga Afrika, kuwaasoo baaritaanno ku sameeya dadka iyo gaadiidka galaya garoonka diyaaradaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya