Hiiraan Online
Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Mar 2 , 2013
Macallin Maxamed Dida oo soo Booqday xafiiska Hiiraan Online ee Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Keny
Sabti, March 02, 2013 (HOL) - Iyadoo maalinta isniinta ah ay dadka waddanka Kenya u dareerayaan goobaha codbixinta ayaa Mid kamid ah 8-da musharrax ee u taagan doorashada madaxtinnimida ee dalka Kenya uu soo booqday xafiiska Hiiraan Online ay ku leedahay magaalada Nairobi.
Macallim Maxamed Dida oo ah musharrixii ugu horreeyay ee kasoo jeeda gobolka waqooyi bari ee Soomaalida oo isu soo taaga xilka madaxtinnimada Kenya oo waraysi dheer siiyay Hiiraan Online ayaa rajo ka muujiyay inuu ku guulaysan doono doorashada dhici doonta maalinta isniinta ah.
"Waxaan hubaa inaan ku guulaysan doono wareega koowaad, doorashada dhacaysa maalinta isniinta ah" ayuu yiri Dida.
"Waxaa i taageersan oo aan qalbigooda taabtay dhalinyarada iyo dadka danyarta ah, iyagaana ugu badan kuwa codaynaya" ayuu ku jawaabay mar aan waydiinay sababta ku kulliftay inuu fisho guul lama filaan ah maadaama ay Soomaalidu yihiin dad laga tirabadanyahay,inta doorashada isu diwaangalisayna ay tahay 300.000 oo kaliya, halka dadka guud ee codaynaya ay yihiin 14 milyan.
Maxamed Dida oo horay u ahaan jiray macallin iskuul ayaa ka yaabiyay dadka Kenyaanka ah markii uu doorashada isu soo taagay, isagoo si kululna u weeraray siyaasiyiinta dalka markii uu ka qaybgalayay doodo dhex maray musharrixiinta oo si toos ah loogala socday telefishinnada iyo idaacadaha.
Waxaase uu sheegay inuu taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba ka helay Soomaalida waddanka Kenya, isagoo sheegay in ay taageeradaasi ahayd mid ka imaanaysay oo kaliya dadka shacabka ah iyo qaar kamid ah ganacsatada, balse ay siyaasiyiinta Soomaalida Kenya u arkayeen inuu yahay nin khatar ku ah iyaga.
"Siyaasiyiintu ima soo dhawayn, waxayna u arkeen inaan codka la qaybsanayo xisbiyada ay ku jiraan, balse anigu waxaan sameeyay xisbiga la yiraahdo Alliance for real change oo aan doonayo inaan Soomaalida iyo Kenyaanka kaleba xaqooda ugu soo dhiciyo" ayuu yiri.
Qaar kamid culumada muslimiinta dalka Kenya ayaa ku baaqay inay waajib diini ah tahay in la taageero musharraxan maadaama uu yahay musharrixii ugu horreeyay ee muslim ah oo u soo istaaga xilkan
"Waa waajib diini ah in loo codeeyo ninkan, waayo wuxuu soo celinayaa xaqa dadka muslimiinta ah ee Kenya oo aan waligood madaxweyne ka noqon dalkan" ayuu yiri Sheekh Jacfar Xaaji Cali oo kamid culimada dalka Kenya.
Inkastoo uu Dida aaminsanyahay inuu ku guulaysan doono doorashada ayaa haddana rayi uruurinta la sameeyay ay muujinaysaa inay ugu cadcadyihiin, Ra'iisul wasaaraha haatan talada haya Ra'ila Odinga iyo ku xigeenkiisa Uhuru Kenyatta oo uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Kenya.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya
Post your comments
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Kismaayo oo sheegay in shirka maamul u sameynta Jubbooyinka uusan Khilaafsnayn Dastuurka
3/2/2013 1:37 PM EST
Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka maamulka KMG ah ee Kismaayo, Yaasiin Nuur Gaas ayaa sheegay in maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo uu si wanaagsan u socdo, isagoo sheegay in ergooyinka qaarkood ay weli kusoo wajahan yihiin Kismaayo.
Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Fulinta ku doortay kulan ka dhacay Guriceel (SAWIRRO)
3/2/2013 1:04 PM EST
Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku doortay maanta degmada Guriceel ee gobolka Mudug guddoomiyaha cusub ee golaha talada, kaasoo loo doortay Cabdi Cali Fiidow kaddib shir dhow casho soo socday.
Wafdi ka socday Ururka Midowga Yurub oo Muqdisho kula kulmay Wasiirro ka tirsan Xukuuumadda Soomaaliya
3/2/2013 12:45 PM EST
Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay ku xigeenka xoghayaha guud ee Midowga u qaabilsan howlaha dibadda, Maciej Popowski ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo kulammo la yeeshay wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Boqollaal Barakacayaal ah oo Lacago loogu Qaybiyay Deegaanno kala duwan oo ku yaalla Gobolka Sool (SAWIRRO)
3/2/2013 12:13 PM EST
Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Qoysas barakacayaal ah oo tiradoodu tahay 450 qoys oo ku nool degmada Laascaanood, Xuddun iyo Taleex kuwaasoo ka wada-tirsan gobolka Sool ayaa loo qaybiyay lacago ay ku deeqeen hay’adaha USAID iyo CARE International, taasoo soo martay hay’adda waddaniga ah ee SVO.
Maxkamadda Ciidamada Puntland oo dil ku Xukuntay laba Ruux la sheegay in ay Al-shabaab ka tirsan yihiin (SAWIRRO)
3/2/2013 11:12 AM EST
Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada Puntland -laanteeda gobolka Nugaal - ayaa maanta xukuntay 2 nin oo ku eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin xarakada Al-shabaab. Nimankan oo lagu kala magacaabo Cabdirisaaq Xasan Tahliil iyo Maxamuud Nuux Adam ayaa lagu ridey xukun dil ah.
Kooxo Hubeysan oo Bambaano ku Weeraray Xarunta Idaacadeed oo ku Taalla Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay
3/2/2013 7:33 AM EST
Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Kooxo aan la aqoonsan ayaa bam-gacmeed ku weeraray duhurnimadii maanta xarunta Radio Baydhabo oo ku yaalla xaafadda Cadaadda ee magaalada Baydhabo, iyadoo qaraxaas uusan geysan wax khasaare ah.
Xildhibaan Faadumo Ileeye oo ahayd Haweeneydii keliya ee ku jirtay Golaha Guurtidda Somaliland oo xilkii Is-casishay
3/2/2013 7:27 AM EST
Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Xildhibaanad Faadumo Jaamac Ileeya oo ka mid ah golaha Guurtidda Somaliland, ayaa maanta laga aqbalay iscasilaad ay golaha u soo gudbisay ka dib markii afar sanadood ay kali ku ahayd golaha Guurtidda.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay Munaasabadii Furitaanka Kalfadhigii Labaad ee Baarlamaanka (SAWIRRO)
3/2/2013 7:09 AM EST
Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay kal-fadhigii labaad ee baarlamaanka Somalia isagoo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay munaasabad loogu talo-galay in lagu furo kalfadhigan.
Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan oo Faah-faahin ka bixiyay Xariga Duqa Magaalada Baladweyne oo ku jira Xabsiga
3/2/2013 6:47 AM EST
Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Duqa magaalada Baladweyne, Maxamed Xassan Nuur oo sadaxdii cisho ee lasoo dhaafayba ku xirnaa saldhiga magaalada Baladweyne ayaa markii ugu horeysay waxaa xarigiisa ka hadllay saraakiisha maamulka gobolka.
Qiimaha lagu raaco Gaadiidka Dadweynaha Magaalada Hargeysa iyo Muran ka Dhashay Qiime Kordhintaas
3/2/2013 6:39 AM EST
Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah gaadiidleyda Basaska loo yaqaan ayaa kordhiyey qiimaha gaadiidkoodda lagu raaco, kuwaas oo ka dhigay laba kun oo shilin Somaliland ah, halka uu markii hore ka ahaa kun iyo shan boqol SHSL (1500).
AMISOM oo cambaareysay Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ka dhacay Baar ku Yaalla Xeebta Liido ee Muqdisho
3/2/2013 2:09 AM EST
Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa cambaareeyay weerarradii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo dilay laba qof oo uu ku jiro qofkii weerarka fuliyay, dhaawacayna toddoba qof oo kale.
MADAXWEYNAHA JABUUTI: “Mucaaradku inay Dagaallo sokeeye iyo Rabshado ka abuuraan dalka kama ogolaanayno”
3/2/2013 1:16 AM EST
Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay markii ugu horreysay rabshado ka dhashay doorashooyinkii baarlamaaniga ahaa ee ka dhacay dalkaas, isagoo xusay in dowladdu aysan ogolaan doonin in dhibaatooyin laga buuro magaalada.
Somali News
Basketball: Faisal Aden heads to Virtus Roma
-
Courtside Newspaper
3/2/2013 4:12 PM EST
ACEA Virtus Roma (Italy, Serie A) has added American rookie Faisal Aden (193 cm, Washington State’12) to its playing staff. Aden is in his first year as a pro, and the 24-year old guard will be looking to bolster a Virtus Roma team in a good position to claim a play-off berth this season. Roma is currently 5th in the Serie A standings with a 12-6 record.
High level EU visit to Mogadishu on security support
-
EU
3/2/2013 10:58 AM EST
Today, the Deputy Secretary General for the External Action Service (EEAS) of the European Union, Maciej Popowski, visited the Somalia capital Mogadishu.
Artists team with Somalis to create an understanding
-
SC Times
3/2/2013 9:30 AM EST
Sometimes the hardest step to take is the first one.
Mogadishu charity concert raises funds for street children
-
Sabahi
3/2/2013 9:25 AM EST
The Benadir regional administration and a number of Somali artists collaborated on a concert in Mogadishu's City Plaza Hotel on Thursday (February 28th) to raise funds to house and feed children living on the streets of the Somali capital.
Somali gov't says Kismayo convention "unconstitutional"
-
Xinhua
3/2/2013 9:23 AM EST
MOGADISHU, March 2 (Xinhua) -- Somali government has opposed gathering of local political forces in the southern port city of Kismayo aimed at forming an administration for the region which was retaken from the rebel group of Al-Shabaab last year.
Africans go the distance for European glory
-
Irish Times
3/2/2013 7:33 AM EST
Gothenburg after dawn, the bright light illuminating the double-track tram lines, the Ferris wheel at Liseburg amusement park off in the distance, the cycle lanes neatly lined alongside the old, cobbled pavements.
AU to respect will of Kenyans in polls
-
Capital FM
3/2/2013 7:28 AM EST
The chairperson of Africa Union Commission Nkosazana Dlamini-Zuma has assured Kenyans that the AU will respect their choice during Monday’s General Elections.
Somalia Asks US to Grant Immunity for Former PM
-
AP
3/2/2013 7:21 AM EST
Somalia's newly recognized government is asking the State Department to grant immunity to a former prime minister who was found responsible in a U.S. court for human-rights abuses.
US says stands with Kenya, urges calm elections
-
AFP
3/2/2013 5:13 AM EST
The United States said on Friday that Kenya was facing a “historic opportunity” in next week’s elections as it urged all Kenyans to vote peacefully for a new president.
Djiboutian president warns opposition activists amid unrest in the country
-
HOL
3/2/2013 5:07 AM EST
Djibouti’s president Ismail Omar gelle has warned opposition leaders to continue in what he called violent protests.
President commends military in peace keeping missions
-
Xinhua
3/2/2013 3:33 AM EST
Kenyan President Mwai Kibaki on Friday lauded Kenya Defense Forces for its contribution to the peacekeeping mission internationally particularly in pacifying Somalia.
VP welcomes Somali delegation to Sierra Leone
-
Sierra Express Media
3/2/2013 3:31 AM EST
Vice President Chief Alhaji Samuel Sam Sumana has welcomed a six-man delegation from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the Somalia Police Force to Sierra Leone.
Mogadishu-Baidoa Highway Now Safe, Shirdon Says
-
Sabahi
3/2/2013 3:26 AM EST
Somali Prime Minister Abdi Farah Shirdon on Wednesday (February 27th) announced that the Mogadishu-Baidoa highway is safe for travellers, following allied forces' capture of Buurhakaba on Wednesday, UN-funded Radio Bar-Kulan reported.