4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2013
Qiimaha lagu raaco Gaadiidka Dadweynaha Magaalada Hargeysa iyo Muran ka Dhashay Qiime Kordhintaas

Sabti, Maarso 02, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah gaadiidleyda Basaska loo yaqaan ayaa kordhiyey qiimaha gaadiidkoodda lagu raaco, kuwaas oo ka dhigay laba kun oo shilin Somaliland ah, halka uu markii hore ka ahaa kun iyo shan boqol SHSL (1500).

Gaadiidkan ayaa hore u shaaciyey inay qiimaha  lagu raaco Basaska ay kordhin doonaan, haddii aanay xukuumaddu wax ka qaban qiimaha shiidaalke ee sare u kacay, waxaanay maanta kaga dhabeeyeen hadalkoodii hore ee ahaa inay kordhin doonaan, taasina waxay muran ka dhex abuurtay dadweynaha adeegsada iyo gaadiidleyda.

Gaadiidleydan u kala baxa magaaladda Hargeysa dhexdeedda ayaa qiimo kordhintaasi ka bilaabay wakhti ay dadweynuhu aad u raacaan oo ah wakhtigi suuqa laga soo baxayey ee xilli qadada ah, taas oo ay dadweynuhu baahi weyn u qabaan inay helaan gaadiid guryahooda u soo raacaan, maadaama oo xilli kulayl lagu jiro.

“Anago iskuulkii ka nimid oo haysana kun iyo shantii boqol ee lagu raaci jiray ayey yidhaahdeen shan boqol ku dara oo laba kun keena, anagu lacag ma haysano waxay ahayd inay aroornimadii noo sheegaan marka kama yeelayo inay wakhtigan lagu kordhiyaan”sidaas waxa ku doodayey arday iskuulkii ka soo rawaxay oo la kulmay qiimaha lagu kordhiyey Baskii uu raacayey.

Dadweyne aad u badan ayaa tubnaa meelaha Baska laga raaco, waxaana muran iyo Is qabqabsi ka dhexjiray dadweynaha iyo gaadiidleyda, iyagoo gaadiidleydu sheegeen in aanay qof aan lacagtaasi ku kordhiyeen sidan aanay gaadiidkooda raaceen, waxaanay dadka lacagta lagaga gurayey albaabka hore ee baska si aanay qofku marka uu gudaha galo aanu muran iyo ma hayo ugu bilaabeen, taasina waxay keentay in cidii haysatana raacdo intii aan haysana iskaga hadho.

“Macquul maaha in wakhtigan lacag lagu kordhiyo waayo imika wixii aanu haynay waanu soo isticmaalnay, waxaana haysanaa uun intii hore ee lagu raaci jiray” ayuu yidhi haweenay si weyn uga cadhaysnayd qiimaha kadiska ah ee lagu kordhiyey  Gaadiidkii raaci jiray oo la hadlaysay HOL.

Si kastaba ha ahaatee, Dadweynihii ka soo raacayey gaadiidka suuqa ayaa la kowsaday qiimo korodh ay sameeyeen gaadiidkaasi, waxaana halkaasi ka dhashay muran iyo khilaaf soo kala dhexgalay dadweynihii iyo gaadiidley, haseyeeshee ilaa hadda xukuumadda oo la rabay inay wax qabato ayaan ka hadal qiimo korodhkan ay sameeyeen gaadiidleyda.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland