4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2013
Dagaal khasaare nafeed geystay oo Ciidamada AMISOM iyo Dagaalyahanka Al-shabaab ku Dhexmaray Gobolka Bay

Sabti, Juun 08, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo ka kala tirsan AMISOM iyo Al-shabaab ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Al-shabaab maanta ku dhexmaray deegaan ku yaalla duleedka degmada Buurhakaba oo lagu magacaabo Buundo-Madow.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu qarxay kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo roondo-sameynayay ay iska horyimaadeen xoogagga Al-shabaab halkaasna uu ka qarxay dagaal culus oo muddo saacado ah socday.

Inkastoo deegaanka lagu dagaalamay uu ahaa mid howd ah ayaa haddana waxaa la sheegayaa in dagaalkaas uu dhaliyay dhaawacyo fara badan oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana haatan deegaankii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Labada dhinac ee dagaalaamay weli kama aysan hadlin dagaalka iyo wixii khasaare ah ee kasoo gaaray, waxaase dagaalkan uu noqonayaa kii ugu cuslaa ee labadan dhinac ku dhexmara deegaan ku dhow degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab ayaa waxay isku adeegsadeen gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan tiknikada, waxaana deegaanka lagu dagaalamay uu u dhexeeyaa degmada Baydhabo iyo degmada Buur-hakaba.

Maalmahaan waxaa ka dhacayay deegaannada ka tirsan gobolka Bay ee ay kuwada sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab dagaallo kala duwan oo qaarkood ay ahaayeen ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq, kuwaasoo ay fuliyeen xoogagga Al-shabaab.

Shalay oo Jimco ah ayay ahayd markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay ku dhaawaceen jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo taliyihii guud ee ciidanka booliiska gobolka Bay, Mahad C/raxmaan, waxaana weerarkaas ku dhintay darawalkiisii.

Hiiraan Online, Baydhabo