4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2013
Ciyaartoydii ka socday Gobolka Togdheer oo Xabsiga loo Taxaabay, iyagoo ka haray Tartankii Gobolladda Somaliland

Sabti, Juun 08, 2013 (HOL) — Ciyaartoyga gobolka Togdheer oo maanta la ciyaari lahaa gobolka Sool, ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay ku kaceen falal ka hor imanaya habsami u socodka tartanka kubadda cagta.

Sidoo kale waxa la sheegay in ciyaartoyga u matalaya gobolka Togdheer uu khilaaf soo dhexgalay, isla markaana ay laba kooxood u kala jabeen, taasina ay keentay inay maanta la ciyaari waayaan gobolka Sool.

Wasiirka Dhalinyarda iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in ciyaartoygii gobolkaTogdheer u ciyaareyey loo taxaabay xabsiga ka dib markii khilaaf soo kala dhexgalay dhexdooda, isla markaana iyagoo isku duuban ay wada ciyaari kari waayeen.

Sidoo kale ciyaartoyga ayaa la sheegay inay ku mudahaaradeen xafiiska wasiirka hortiisa, kuwaas oo ku buuqay, isla markaana ay ciidanka amnigu xabsiga u taxaabeen.

Gobolka Togdheer ayaa maanta la ciyaari lahaa gobolka Sool, haseyeeshee nasiib daro markii ay ka baaqdeen ciyaartaasi ayaa gobolka Sool ku laagtay goolka Togdheer oo maqan sidaana lagu siiyey dhibcihii.

Si kastaba ha ahaaatee, gobolka Togdheer ayaa tartankii gobolada guuldaro weyn kala kulmay, isla markaaana laga badiyey kubadda Cagta iyo tii Gacantaba, taasina waxay keentay inuu dhexdoodda khilaaf soo kala dhexgalo oo dhexdoodda isku eedeeyaan guuldarada.

Waa markii ugu horaysay ee ciyaartoy gobol u ciyaarayey xabsiga loo taxaabo, isla markaana sidaas kaga hadhaan tartankii goboladda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland