4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Daawashada Tartan Kubadda Gacanta ah oo Xalay ka dhacay Hargeysa (SAWIRRO)


Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa xalay si kadis ah loo arkay isagoo  ka soo qaybgalay daawashadda tartanka ciyaaraha baasketka ee Garoonka Timadda Cadde ka socota oo ay ku dheelayeen labadda gobol ee Maroodi jeex (Hargeysa) iyo Sanaag.

Labadan gobol ee xalay tartamayey ayaa waxa guushu raacday gobolka Maroodi jeex oo ku badiyey 54 dhibcood, halka gobolka Sanaag uu keensaday 29 dhibcood, waxaanu sidaas guushu ku raacday gobolka Maroodi jeex.

Si kastaba ha ahaatee, Booqashadan uu madxweynuhu ku yimid garoonka ciyaaraha kubadda gacanta ayaan hore loo sii sheegin, isla markaana aanu wadan wax tikniko iyo ciidan ah, balse uu la socday baabuur shacab, waxaana markii uu madaxweynuhu soo galay Garoonka abaaro 8:55 pm habeenimo ka hor inta aanay ciyaartii bilaabmin mar kaliya dadweynihii meesha ku sugnaa la sare kaceen sacab iyo soo dhoweyn, kuwaas oo ay ku noqotay kadis iyo u qaadan waa ka dib markii  madaxweynaha ku arkeen garoonkii ciyaartu ka socotay .

“Waxa taariikh ah in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu noqday madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland ee yimaada garoonka kubadda kollayga Timaca-cade ee Magaaladda Hargeysa, waxaanay dhiirigalin u tahay dhalinyaradda.”ayuu yidhi

Guddoomiyaha Xidhiidhka kubadda Kollaygu  Maxamuud Qodax oo ka hadlayey booqashada madaxweynaha, waxaanu ka  mahadceliyey soo dhoweyntii ay madaxweynaha u sameeyeen.

Madaxweynaha waxa ku wehelinayey daawashada Cayaarta Wasiirka Dhalinyarada, Cayaaraha , Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Kaluumaysiga, Taliyaha Ciidanka Booliska, iyo marwadda madaxweynaha, waxana la arkayey madaxweynaha oo u sacaba tumaya hadba gobolkii goolka dhashadda.

Madaxweyne Siillaanyo ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey ee goor habeenimo ah ka qaybgalla daawashadda kubadda gacanta ee garoonka Timacadda,  waxaanay ciyaartoygii garoonka ku jiray iyo dadweynihii daawashada ciyaarta ka soo qaybgalay aad ugu faraxsanaayeen  ka soo qaybgalka tartanka kubadda Baasketka.

Dhinaca kale, waxa iyaguna shalay foodda isdaray gobolka Maroodi jeex iyo Buuhoodle oo 2-1 kaga badiyey gobolka Buhoodle, sidoo kale waxa ciyaar adag dhex martay gobolka Hawd iyo Daadmadheedh, kuwaas oo ismari kari waayey, haseyeeshee daqiiqadihii dambe ayuu gobolka Daadmadheedh dhaliyey hal gool, halka waxyar ka dibna uu ka daba keenay Gobolka Hawd, waxaanay ciyaartii ku dhamaatay 1-1, kuwaas oo isku barbar dhacay.





Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland