4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2013
Hay’adda Samafalka HARO oo deeq isugu jirtay dhar, kabo iyo boorsooyin u qaybisay dan-yar ku nool Degmada Wadajir (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) —  Hay’adda Samafalka waddaniga ah ee HARO (Humanitarian Africa Relief Organization) ayaa deeq isugu jirtay dhar, kabo iyo booroosooyin ah u qaybisay dad dan-yar ah oo ku nool degmada wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana dad deeqdan ka faa’iideysatay ay kor u dhaafayeen illaa 1,000 qof oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada.

Deeqdan ayaa waxaa soo dhiibay muslimiinta ku nool gobolka Seattle Washington ee dalka Mareykanka, waxaana dadkii loo qaybiyay deeqdan ay u mahadceliyeen hay’adda HARO iyo muslimiintii soo dhiibay.

Mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska HARO ee Muqdisho ayaa deeqdan u qaybiyay dadka u baahan, waxaana ay isugu jireen dharka ragga, dumarka iyo caruurta iyadoo boorsooyinkana ay isugu jireen kuwa dharka lagu rito iyo kuwa ay dumarka garbaha ku qataan.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiiinta HARO oo goobta ka hadlay ayaay sheegay in tani aysan ahayn markii ugu horreysay oo gargaar noocan oo kale ah ay ka qaybiyaan Muqdisho, balse ay ku talo-jiraan inay sii wadaan in dadka dan-yarta ah ay u qaybiyaan deeqo noocan oo kale ah.

Hay’adda HARO ayaa waxay ka mid tahay hayadaha samafalka eek a howl-gala gudaha Soomaaliya, waxaana lagu xusuustaa inay gacan weyn ka geysatay samatabixinta dadka Soomaaliyeed xilligii ay abaaruhu dalka ku dhufteen.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya