4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Puntland oo shaacisay magaca sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo Boosaaso lagu qabtay iyo Howlgallo weli socda

Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Wasaaradda amniga ee Puntland ayaa shaacisay magaca nin la sheegay in uu yahay sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab, kaasoo shalay ay ciidamada ammaanku howlgal ay magaaalada Boosaaso ka sameeyeen kusoo qabteen.

Wasiirka wasaaradda amniga Col. Khaliif Ciise Mudan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaca saddexan ee ninkani uu yahay C/kaafi Maxamed Cali, da'diisuna ay tahay 25-jir, islamarkaana uu xilligan ku jiro isbitaalka guud ee Boosaaso, halkaas oo dhaawac shalay soo gaarey looga dabiibayo.

Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa dhinaca kale ka warbixiyey howlgallo 24-tii saac ee lasoo dhaafay ka socdey xaafadaha kala duwan ee magaalada, kuwaas oo lagu qaqabtay tobanaan qof oo dhalinyaro u badan.

Wuxuuna sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwo lagu baadi goobayo dad uu tilmaamay in ay ammaanka khatar ku yihiin, oo qarkoodna la tuhunsan yahay in ay wada-shaqeyn dhow la lahaayeen ninka -la sheegay in uu ka tirsan yahay saraakiisha Al-shabaab- ee ay shalay ciidamadu faras magaalada Boosaaso ka qabteen.

Dadka howlgallada Boosaaso ka socda lagu qaqabtay, ayaa mar wasiirka la weydiiyey in ay tiro ahaan dhan yihiin, wuxuu xusay in tiradoodu ay 50-qof ku dhowdahay, islamarkaana uu hadda baaritaan ku socdo, ciddii wax lagu waayana dib xorriyadeeda loogu soo celin doono.

"Dad badan ayaa la qabtay, baaritaan ayaana ku socda, anagu ma rabno in magaalada uu qof dambiile ahi ka baxdo inta ay howlgalladu socdaan" Wasiirka amniga Puntland ayaa yiri.

Guud ahaan xaaladda magaalada Boosaaso ayaa ah xilligan mid deggen, waxaana xusid mudan in magaalada Boosaaso muddo sanad ka badan aysan ka dhicin howlgallo kuwan oo kale ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya