3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo isku-shaandheeyay Golihiisa Wasiirrada qaar cusubna keenay kuwo kalana isku bedelay


Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka cusub ee W. Arrimaha Dibedda


Talaaddo, Juun 25, 2013 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa isku shaandhayn balaadhan ku sameeyey golihiisa wasiiradda, kuwaas oo uu qaar cusub keenay, qaar kalana xilalkii ay hayeen u bedelay kuwo kalana xilkiiba ka qaaday.

War-saxaafadeed xalay xilli dambe la soo saaray ayaa lagu sheegay isku shaandheyntan cusub oo baryahanba la saadaalinayey inay qaar badan shaqadda laga eryi doono kuwo cusubna la magacaabi dono.

Nuqul ka mid ah war-saxaafadeedkan oo soo gaadhay HOL waxa uu u qorna sidan“ Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin uu soo saaray oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magacaabay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen lag bedelay”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda..

“Madaxweynuhu markuu arkay  Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:               Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                      In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasaaraddahan JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:           Kartoodad, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay:               In ay  hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday
 

In laga bilaabo taariikhda maanta masuuliyiintan uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalkan.

S/No.

Title-ka

Magaca

1.       

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda

Maxamed Biixi Yoonis

2.       

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Cali Maxamed Warancade

3.       

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka

Shugri X. Ismaaciil Baandare

4.       

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Cali Jaamac Faarax (Buureed)

5.       

Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Maxamed Jaamac Abgaal

6.       

Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta

Axmed Cabdi Kaahin

7.       

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda

Aaden Axmed Warsame

8.       

Wasiirka Wasaaradda Biyaha

Xuseen Maxamed Cabdille

9.       

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada

Maxamed Muuse Abees

10.   

Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta  Gobollada Bari ee JSL

Cali Maxamuud Axmed (Sandule)

11.   

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Axmed Nuur Faahiye

12.   

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Xasan Daahir Dhinbiil

13.   

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda  Beeraha

Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar

14.   

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Shugri Xariir Ismaaciil

15.   

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta

Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

16.   

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga

Cabdi Daahir Camuud

17.   

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga

Bashiir Cabdi Xariir

18.   

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka)

Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)

19.   

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada (Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka)

Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

WAXA KALE OO UU MADAXWEYNUHU XILALKII AY HAYEEN UU KA BEDELAY XUBNAHAN HOOS KU QORAN UNA MAGACAABAY XILALKAN:-

S/No.

Title-ka

Magaca

1.       

Wasiirkii hore ee Wasaarada Dib-u-dejinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Caafimaadka )

Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye)

2.       

Wasiirkii hore ee W/Ganacsiga waxa loo bedelay) Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka

Cabdirisaaq Khaliif Axmed

3.       

Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibeda waxa loo bedelay (Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga)

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar

4.       

Wasiir ku xigeenkii hore ee W/faafinta waxa loo magacaabay (Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta)

Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

5.       

Wasiirkii hore ee W/faafinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Warshadaha)

Abiib Diiriye Nuur (Timacade)

6.       

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

7.       

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Mdaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta)

Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)

8.       

Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada)

Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

Sidoo kale waxa madaxweynuhu uu XILALKII AY HAYEEN ka Qaaday Wasiiradan hoos ku qoran:-

S/No.

Title-ka

Magaca

1.       

Wasiirkii Hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Maxamed Nuur Caraale (Duur)

2.       

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warshadaha

Cabdirisaaq Cali Cismaan

3.       

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka

Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)

4.       

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Cali Cilmi Geelle

5.       

Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga

Aaden Diiriye Cigaal

6.       

Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Cali Xaamud Jibriil

Si kastaba ha ahaatee, masuulkan loo magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Yoonis Biixi ayaa dadweynaha Somaliland si weyn usoo dhoweeyen maadaama oo khibrad balaadhan uu u leeyahay arrimaha dibadda kana soo shaqeeyey meelo badan oo khilaafaad ka jiray, imikana Qaramadda midooobay u qaabilsana Daafuur ee Suudaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
6/25/2013 12:39 PM EST
Boqorkii dalka Qatar Sheekh Xamad Bin-Khaliifa Althaanii ayaa si rasmi ah xukunka ugu wareejiyay wiilkiisa Sheekh Tamiim Bin Xamad Althaanii, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo taariikhda wadamada carabta uu boqor si iskiisa xilka isaga wareejiyo.

6/25/2013 8:44 AM EST
Talaado, Juun 25, 2013 (HOL) — Xabsiga dhexe ee degmada Baydhabo ayaa waxaa ku jira maxaabiis aad u tirabada oo gaaray 260 qofood oo intooda badan loosoo qabqabtay tuhunno la xiriira inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, waxayna ka cabanayaan dhibaatooyin soo food saaray oo daryeel la'aan u badan.

6/25/2013 8:13 AM EST
Talaado, Juun 25, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayay wasiirrka difaaca ee xukuumadda Soomaaliya, C/xakiin Xaaji Max'uud Fiqi safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooble, xildhibaanno iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo maalmihii ugu danbeeyay howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

6/25/2013 7:53 AM EST
Talaado, Juun 25, 2013 (HOL) — Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo mushaar la’aan uga soo gadooday degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Goof-guduud oo u dhexeysa degmooyinka Baydhabo iyo Qansax-dheere.

6/25/2013 7:52 AM EST
Talaado, Juun 25, 2013 (HOL) — Wafdi ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qaybgalaya shir-goboleedka dalalka Carabta ee looga hadlayo dadka iyo horumarinta (Regional Conference on Population and Development in the Arab states), kaasoo ka soconaya Dusit Thani Hotel oo ku yaalla magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

6/25/2013 6:52 AM EST
Talaado, June 25, 2013(HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka warfaafinta boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyagoona kusii jeeda dalka Jabuuti.

6/25/2013 3:29 AM EST
Talaado, Juun 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, ra’iisul wasaarihiisa, Cabdi Faarax Shirdoon, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa si kala gooni-gooni ah uga tacsiyeeyay geeridii boqor C/llaahi boqor Muuse (King Kong) oo ku geeriyooday shalay dalka Finland.

6/25/2013 2:26 AM EST
Talaado, June 25, 2013(HOL) :- Ilaa afar qof ayay dhaawacyo kasoo gaareen weerar loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro, kaasoo lala beegsaday goob ay dad badani ku caweeynayeen oo ku taal magaalada Wajeer, iyadoona kooxihii weerarka geeystay ay goobta isaga baxsadeen.

6/25/2013 1:11 AM EST
Talaado, Juun 15,2013 (HOL) - Salama Cash & Carry oo aheyd shirkad ganacsi oo ay inta badan ku tiirsanaayeen ganacsiga Soomaalida Koonfur Afrika ayaa waxaa dab qabsaday habeenimadii Isniinta ee 24-ka June 2013. Dabdkaan oo aan la ogeen waxa sababay ayaa guud ahaan baabi'iyay hantidii taalay goobta uu dabku ka kacay.