4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2013
Xukuumadda Kenya oo Qorsheynaysa in Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab dib loogu celiyo Somalia


Axad, Juun 02, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa inay dib ugu celiso qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab Soomaaliya sida ay sheegtay wasiirradda arrimaha dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed oo Nairobi kula kulantay Jicmihii shalay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in labada wasiir ay ku heshiiyeen in magaalada Nairobi lagu qabto shir looga hadlayo sidii qoxootiga Soomaalida ah dib loogu celin lahaa dalkooda.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in qabashada shirkan uu yahay mid ay isku af-garteen madaxaweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Hay’adda isku-dubaridka gargaarka bani’aadamnimo ee UNOCHA ayaa sheegtay in bishii Abriil oo keliya ay dib ugu laabteen dalkooda qoxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay 2,100 qof, iyadoo afartii bilood ee la soo dhaafayna ay dalkooda dib ugu laabteen 16,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo si iskood ah uga dhoofay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay sidoo kale uga doodeen kulankooda diyaarinta marti-qaad uu madaxweynaha Kenya u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya.

“Wasiiraddu waxay ku heshiiyeen in labada dal ay ka shaqeeyaan sidii lagu xoojin lahaa ammaanka soohdinta ay wadaagaan labada dal si looga hor-tago falalka ammaan-darro ee ay geysanayaan xoogagga Al-shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya kasoo baxay.

Fowziyo iyo Aamina waxay ugu baaqeen hay’adaha gargaarka ee caalamka inay gacan ka geystaan sidii ay u suurogeli lahayd in qoxootiga Soomaalida ah dib loogu celiyo dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Arrimaha kale ee ay labada wasiir dibadeed ka hadleen ayaa waxaa ka mid ah xiisadaha ka taagan Kismaayo, iyagoo isku raacay in wax walba oo jira lagu dhameeyo wadahadal ay dhexdhexaadiye ka tahay dowladda Somalia oo la isugu keenayo bulshada ku nool gobollada Jubbooyinka.

Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxay qaarkood halkaas ku jiraan muddo ka badan 22-sano, waxaana tallaabadan ay noqonaysaa tii ugu horreysay ee qoxootigaas loogu soo celinayo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya