4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2013
AFHAYEENKA AL-SHABAAB: "Dhawaan Puntland waxaan gaarsiin doonnaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka"

Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raag (Sheekh Cali Dheere) ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalo ka dhacay Gobolada Bari ee Puntland.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay marayaan xilligoodii ugu fiicnaa; isagoo tilmaamay in khasaare badan ay u geysteen cadawga, dagaalo iyo weeraro ka dhacay gobolada dalka.

"Mujaahidiintu waxay marayaan meeshii ugu wanaagsanayd intii ay jireen, cadowgana wuu liitaa, meel walba dhibaatada iyo rafaadka aan lasoo koobi karin ayaa ku heysta, meel hadaad qabsato waa inaad maamusho, meel ay maamulaanna ma jirto oo weli mujaahidiinta ayaa dhulka oo dhan maamula," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Al-shabaab wuxuu soo hadal qaaday dagaallada ka dhacaya Puntland, isagoo sheegay in qorshahoodu uu yahay inay baabi'iyaan jirtaanka Puntland, ayna doonayaan inay calankooda madow suraan meel walba oo Puntlad ka tirsan.

"Waxaan rajeynayaa in dhawaan uu iska baabi'i doono maamulka Puntland ee uu hoggaaminayo Faroole, sidoo kalena mar aan dheereyn aan kusoo rogi doonno Puntland ku dhaqanka shareecada Islaamka," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Afhayeenku wuxuu shacabka Puntland u diray farriin uu kaga dalbanayo inay mujaahidiinta caawiyaan ayna soo dhawaatay xilligii ay sharaf iyo karaamo heli lahaayeen; sidoo kalena ay ka bixi lahaayeen gumeysiga iyo dhibka lagu haayo.

"Shacabka Puntland waxaa leenahay waxaa soo dhawaatay, xilligii aad sharaf iyo karaamo heli lahaydeen, marka ka bixi lahaydeen gumeysiga iyo dhibka la idinku haayo, sidoo kale waxaa soo dhow markii la idinku xukumi lahaa sharciga Islaamka" ayuu afhayeenku ku yiri shirkiisa jaraa'id.

Ugu dambeyn, afhayeenka Al-shabaab ayaa soo qaaday dagaalkii shalay ka dhacay gobolka Gedo isagoo sheegay inay khasaare xooggan u geysteen ciidamada dowladda iyo kuwii Itoobiya ee ay la dagaalameen; sidoo kale wuxuu sheegay inay weerarro la beegsadeen ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya