3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2013
Dowladda Somalia iyo Xarakada Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ku dhexmaray Gobolka Gedo

Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallo shalaly gallinkii dambe ku dhexmaray deegaanno u dhexeeya degmada Luuq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay inay ku dileen dagaalkaas dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ka tirsan iyagana uu kasoo gaaray khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.

"Dagaalka waxaan ku dilnay 23 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, dhankeenna waxaa nooga dhintay laba askari, kuwo kalena dhaawacyo ayaa naga soo gaaray," ayuu yiri Kaliil oo sheegay in goobihii lagu diriray ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab ayaa iyaduna sheegatay inay dagaalkii shalay ku dileen 10-askari oo Soomaali ayna gacanta ku dhigeen laba askari, balse ma sheegin askartan inay Soomaali ahaayeen iyo inay Itoobiyaan yihiin, iyagoo intaas ku daray inay gubeen saddex gaari oo way wateen ciidamada Itoobiya.

Xaaladda deegaannadii lagu dagaalamay ayaa deggen, iyadoo dadka ku sugan degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey ay sheegayaan inay socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Ciidamada Itoobiya ayaan ka hadlin khasaaraha kasoo gaaray dagaalkii shalay ka dhacay inta u dhexeysa Luuq iyo Garbahaarey, iyadoo la og-yahay in ciidamada aysan ka hadlin khasaaraha kasoo gaara dagaallada.

Inkastoo labada dhinac ay guulo ka sheegteen dagaalka haddana ma jiro cid kale oo xaqiijinaysa guulaha ay kala sheegayaan, sidoo kalena illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay oo ahaa mid culus oo muddo saacado ah socday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/6/2013 10:11 PM EST
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa ka qeyb galay munaasabadda sanad guradii 41-aad ee hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo dib u furidda xarunta hay’adaas.

1/6/2013 9:57 AM EST
Axad, January 06, 2013(HOL): Garoonka Kubadda Koleyga 1da Luulyo {Ex-Luugino} ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacday kulan guddoonsiinta qalab kala duwan oo Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed uu soo gaarsiiyay Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada jiilka cusub ee Isboortiga iyo dhaqanka [NGSC] C/Qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo).

1/6/2013 9:14 AM EST
Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Dagaal khasaare badan geystay oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka qarxay deegaan lagu magacaabo May-kaareebay oo 20-km dhinaca waqooyi kaga began xarunta gobolka Gedo.

1/6/2013 9:01 AM EST
Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) —Madaxweeynaha dalka Suuriya Bashar Al-asad ayaa hadal uu maanta jeediyay uga hadlay xaaladda cakiran ee ka jirta dalkaasi, isagoona sheegay in sida keliya ee xalka looga gaari karo dhibaatooyinka ka taagan dalka Suuriya ay tahay oo qura in la wada hadlo.

1/6/2013 4:11 AM EST
Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku dhaawacay ganacsade Axmed Cabdi Timir oo ka mid ah raga ugu horreeya ganacsiga gobolka Sool xilli uu marayay bartamaha magaalada, iyagoo dhowr xabbadood kaga dhuftay madaxa iyo laabta.

1/6/2013 2:48 AM EST
Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raag (Sheekh Cali Dheere) ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalo ka dhacay Gobolada Bari ee Puntland.

1/6/2013 2:37 AM EST
Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa xariga ka jaray Sabtidii shalay warshad cusub oo laga hirgaliyey magaaladda Hargeysa, taas oo soo saari doonta waraaqaha iyo buugaagta, kuwaas oo guud ahaan dalka wada gaadhsiin doonta.

1/6/2013 2:32 AM EST
Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Kulan la damacsan yahay in go`aan lagaga gaaro colaad dhuleed dabayaaqadii sanadkii aan soo dhaafnay ka billaabantay deegaanka lagu magcaabo Gal-xamudh oo ka tirsan Widh-widh ayaa ka billaabmay tuuladda Dandan oo in ka badan 20-km bari kaga beegan degmada Buuhoodle.