4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2013
Kulan lagu Qaboojiyo Xiisad ka Taagan Dhul la Magaaleynayo oo ka soconaya Deegaan ka tirsan Buuhoodle


Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Kulan la damacsan yahay in go`aan lagaga gaaro colaad dhuleed dabayaaqadii sanadkii aan soo dhaafnay ka billaabantay deegaanka lagu magcaabo Gal-xamudh oo ka tirsan Widh-widh ayaa ka billaabmay tuuladda Dandan oo in ka badan 20-km bari kaga beegan degmada Buuhoodle.

Madax-dhaqameedka deegaanka Khaatumo State ayaa shalay oo Sabti ah gaaray deegaanka Dandan sida uu HOL u sheegay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, isagoo intaas ku daray in waxgaradkan ay ka mid yihiin Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Saleebaan Buraale iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali.

Kulankii ugu horreeyay ayaa wuxuu madax-dhaqameedkan yeesheen xalay iyagoo ku gor-feeyay n sida loo dhamaynayo colaada oo ka billaabatay sidii magaalo loogu bedeli lahaa deegaan miyi ah, iyadoo Garaad Jaamac uu xusay inay go`aammo soo saareen, maanta oo Axad ahna u gudbin doonaan labada beelood ee muranku dhex-yaal.

Xiisadan ka aloosantay degaanka Gal-xamudh ayaa ah mid aad looga cabsi qabay inuu dhiig ku daato, iyadoo deegaanka la isugu geeyay ciidammo aad u fara badan inkastoo ay jireen dadaallo ay hormuud ka ahaayeen madaxda-dhaqanka oo xakameeyay inay xabbadi billaabato.

Lama oga sida uu noqon doono xukunka madax-dhaqameedkan, balse sida ay sheegayaan dadka arrimahan u dhuun-daloolaa waxaa laga yaabaa inay adkaato in beesha laga helo xukunka ay qaadato heerka ay xiisadan gaartay awgeed.

Sidoo kale, waxaa cabsi laga qabaa inay adag tahay in madax-dhaqameedku ay keenaan xukun labada dhinacba ay ku farxaan; iyadoo la filayo in maalinta berri ah ay soo gaaraan deegaanka Dandan madax-dhaqameedka labada beelood oo kala ah: Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe iyo Garaad Abshir Saalax.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool