4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2013
Tartan Kubada Cagta ah oo ka Furmay Garoon ay Dayactireen saraakiisha ka socda Jabuuti ee ku sugan Baladweyne

Sabti, Jannaayo, 05, 2013 (HOL) – Tartan kubada cagta ah oo ay isku arkayaan kooxo ka kala socda afarta xaafadood oo ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay ka furmay garoonka kubadda cagta ee Lama-galaay.

Munaasabadda furitaanka tartanka waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM, fanaaniin, iyo dadweeyne ka kala yimid xaafadaha magaalada oo u soo daawasho tagay cayaarta furintaanka ah.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo ka hadllay goobta ayaa sheegay in tartamada noocan oo kale ah ay qeyb weyn ka qaataan is dhax-galka bulshada iyo soo celinta nabadda, maadaama ay ku kulamayaan dhalinyarada iyo qeybaha bulshada aan fursadda u helin mudo dheer in ay is arkaan.
‘’Annaga ka maamul ahaan waan dhiiri-galineynaa arintan, waayo sida aan la soconno dagaalladii dalka ka dhacay waxa ay sababeen in ay hakad galaan dhamaan tartamadii Isboortiga ee kala duwanaa, dib u soo laabashadoodana waxaa ay muujineysaa astaan nabadeed,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka howl-galka midowgga Africa ee AMISOM oo dayactiray garoonka uu ka furmay tartanka kubadda cagta, ayaa sheegay in howsha ay qabteen ay tahay mid ka tarjumeysa xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood oo ah mid walaalnimo.

Col Cismaan Dubad taliyaha ciidamada AMISOM ayaa ku dhiiri-galiyay dhalinyarrada in ay tartamada noocan oo kale ah uga faa’ideystaan sidii ay u abuuri lahaayeen jawi nabadeed iyo hourmar, isaga oo balan-qaaday in mar walba ay bar bar taagan yihiin dhalinta Isboortiga gobollka.

Max’ed C/llaahi Buraale Raaxeeye oo ah macalinka cayaartooyada gobollka oo la hadllay HOL ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada laga leeyahay tartanka iyo mudada uu soconayo.

‘’Tartanka waxaa uu soconayaa mudo Lix cisho ah, ujeedada laga leeyahay waa in ay dhalinyarradu isku arkaan, is dhax-galaan, waayo mudo dheer gobollka laguma qaban tartamada noocan oo kale ah, arrinta kale ee muhiimka ahna waa sidii aan u xuli laheyn mudada uu tartanka socdo cayaartooydii gobolka ku matali laheyd tartanka cayaaraha gobollada ee la filayo in uu ka furmo gobollka Banaadir," ayuu yiri Max’ed C/llaahi Buuraale.

Lugtii hore tartanka waxaa maalintii shalay isku arkay kooxaha Howl-wadaag iyo Buundo-weyn oo halkaa ku soo bandhigay cayaar ay siweyn u jecleysteen dadkii u soo daawasho tagay, waxaana ay ku soo idlaatay waqtigii loogu talagalay 1-1 oo bar-bar dhac.

Marka laga soo tago saraakiisha ciidamada Jabuuti oo dayactiray garoonka, waxaa tartanka maal-galisay hay’adda DRC xarunteeda magaalada Baladweyne, halka koox fanaaniin ah oo uu ka dhax muuqday fanaanka Siidii Cali Winkey munaasabadda furintaanka ka qaadeen heeso dhiiri-galin ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya