Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Jimco, Jan 4 , 2013
U gargaar Zakeriye iyo Cabdiweli oo ah laba wiil oo ku xanuunsan Muqdisho dalkana wax looga qaban waayay
Zakariye Yacquub Cabdi
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Cudurrada haya labadan wiil oo u baahan inay helaan daweyn dibadda ah ayaa keenay inay noloshoodu ay adkaato, iyadoo waalidiintooda oo kasoo jeeda qoysas sabool ah ay awoodi waayeen inay Caruurtoodan u helaan adeeg caafimaad oo dibadda ah.
Labadan wiil oo xanuunku uu muddo hayay ayaa kala ah: Cabdiweli Xuseen Suldaan Cabdi oo saddex jir ah iyo Zakariye Yacquub Cabdi oo isaguna saddex jir ah, labadan wiil ayaa waxay muddo sannado ah la xanuun-sanayeen cudurrada Pralass iyo xanuunka Neerfayaasha ku dhaca.
Suldaan Cabdi Nirgoole oo ah awoowaha labadan wiil ee xanuunsan ayaa sheegay in xanuunka wiilashan haya uu yahay mid ay ku dhasheen , isla markaana gudaha dalka wax looga qaban waayay, isagoo sheegay in dhakhaatiirta dalka ku sugan ay ku wargeliyeen in inay u baahan yihiin dhakhaatiir caalami ah oo qaliinno ku sameeya jirkooda, kuwaasoo uu sheegay inay ku sugan yihiin Nairobi iyo Adis Ababa. Isagoo tilmaamay inaysan awoodin inay u helaan dhakhaastiir la tacaalama cudurrada wiilashan.
Cabdiweli Xuseen Suldaan Cabdi
"Si labadan wiil wax loogu qabto waxaa ka codsanayaa ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba inay gacan ka geystaan sidii walaalahooda dhibaateysan loo daweyn lahaa. Ogow waxii aad saddaqo ula baxdid inay kaaga horreeyso aakhiro," ayuu yiri awoowaha labadan wiil ee xanuunsan.
FG: haddaba haddii aad doonaysid inaad ka qayb-qaadatid gargaarka loo fidiniyo labadan wiil ee xanuunsan la xiriir: Yaquub Cabdi Isaaq adigoo kala xiriiriyaha: Tel:
00252-61-5559443
ama
00252-699-737741
.
Sidoo kale, waxaad la xiriiri kartaa Sudaan Cabdi Maxamed Nirgoole oo laga helo taleefoon lambar:
00252-61-5015660.
WARQADAHA CADDEYNTA ZAKARIYE
1- Caddeyn Isbitaal Banadir
Riix halkan
2- Caddeyn Wasaaradda Caafimaad
Riix halkan
FIIRO GAAR AH:
Warqadaha Caddeynta ee Wiilka kale ee C/weli nama aysan soo gaarin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Xukuumadda Soomaaliya oo ka dalbatay Dowladda Turkiga inay Soomaaliya ka dhisto Jaamacado iyo Isbitaallo
1/4/2013 12:24 PM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Wasiirradda wasaaradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed ayaa ka dalbatay dowladda Turkiga inay Soomaaliya ka hirgeliiyaan jaamacado ay wax ku bartaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo isbitaallo lagu daweeyo bukaannada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo soo bandhigay Badmaaxiin ku afduubnaa gudaha Soomaaliya Muddo Sannado ah
1/4/2013 11:51 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay saddex badmaaxe oo tan iyo dhammaadkii sannadkii 2010 afduub loogu haystay gudaha Soomaaliya, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu sheegay inaysan jirin wax madaxfurasho ah oo lagu soo daayay la-haystayaashan.
Madaxweynaha Galmudug oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynihii hore ee Puntland
1/4/2013 11:50 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa maanta Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kula kulmay madaxweynihii hore ee Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi iyo mas’uuilyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland, isagoo kala hadlay iskaashi dhexmara labada maamul iyo adkeynta amniga gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo falal ammaan-darro ay ka dhacaan.
Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo sheegay in Askarigii shacabka dhibaato u geysta ciqaab adag la marin doono
1/4/2013 8:09 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliay, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in ciqaab adag la marsiin doono askarigii dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ciidamada ay ku dhex-jiraan ciidammo doonaya inay sumcadda ciidanka xumeeyaan.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee Xaafadda Islii oo cabasho u gudbiyay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Kenya
1/4/2013 7:49 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Guddiga ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa dacwado ka dhan ah ciidamada ammaanka ee Kenya u gudbiyay xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Kenya kaddib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo ka warbixiyay Heshiis dhex-maray Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan
1/4/2013 1:29 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyay heshiisyo dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan, kaddib booqasho laba maamood ah oo uu dalkaas ku tagay.
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo weeraray Koontaroollo Boosaaso ku dhow iyo Xiisado ka taagan Puntland
1/4/2013 1:09 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee saldhiggoodu yahay buuraha Gollis ayaa xalay weerarro ku qaaday koontaroollo ku yaalla duleedka Koonfureed ee degmada Boosaaso, kuwaasoo dhaliyay khasaare kooban.
Somali News
United States is set to Chair Counter-Piracy Contact Group
-
HOL
1/4/2013 8:51 PM EST
In a statement released by the U.S. Embassy in Nairobi, the US, which chairs the Counter-Piracy Contact Group (CPG), noted significant reductions in attacks and hijackings. The CPG called for a renewed international commitment to combating piracy through military, law enforcement, and development activities.
1 million displaced inside Somalia, charitable agency reports
-
CatholicCulture
1/4/2013 12:03 PM EST
More than 1 million of Somalia’s people are displaced, according to a Caritas Somalia report. The Catholic charity estimates that 1 million people are living in refugee camps inside Somalia...
Suffern Students See Somali Students Up Close
-
SV
1/4/2013 11:55 AM EST
Suffern Middle School students are using videoconferencing to learn about the ultimate act of bullying — genocide. In a project closely tied to the sixth-grade curriculum, Barbara Biddy and Jennifer Fruhling’s sixth-grade classes are taking part in the One Million Bones project...
Somalia keen on reintroducing currency
-
AfricaReview
1/4/2013 11:16 AM EST
Somalia’s economy will soon enjoy the benefits of trading in several denominations of the Somali shilling. The East African country which is in the process of reconstruction after a decade of civil war has been trading in US dollars after its currency lost value due to instability.
Applicants for Canadian visas will be checked against U.S. databases
-
Globe&Mail
1/4/2013 10:49 AM EST
Almost all applicants seeking a visa to enter Canada will have their identity checked against American immigration databases to see whether they have been previously blacklisted, under a bilateral treaty signed with little fanfare last month.
Man charged with setting Rogers Park fire that killed one not guilty
-
Chicago SunTimes
1/4/2013 2:04 AM EST
A Somali immigrant charged with setting fire to his neighbors’ Rogers Park apartment — killing one person and injuring five others — was found not guilty by reason of insanity on Thursday.
Zambia: Somali appears for murder case
-
ZDM
1/4/2013 1:52 AM EST
THE case in which a Somali national is charged with murder has been adjourned to January 16, 2013 for mention and possible committal to the High Court.
IOM Procurement
-
IOM
1/4/2013 12:18 AM EST
In the past two years, the Transitional Initiatives for Stabilization (TIS) funded by USAID and implemented by IOM, in partnership with the Benadir Administration,