Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Jimco, Jan 4 , 2013
Ganacsatada Soomaaliyeed ee Xaafadda Islii oo cabasho u gudbiyay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Kenya
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Guddiga ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa dacwado ka dhan ah ciidamada ammaanka ee Kenya u gudbiyay xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Kenya kaddib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka gaashaandhigga Kenya, Maxamed Yuusuf Xaaji, wasiirka horumarinta gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamed Ibraahim Cilmi oo labaduba ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo xildhibaannada kale ah: Aadan Barre Ducaale iyo Safiyo Cabdinuur.
Xaaji Abuukar Jimcaale oo u hadlay guddiga ganacsatada Soomaalida ah eek u nool magaalada Nairobi ayaa sheegay in howgallada ay kawadaan ciidamada ammaanka ee Kenya xaafadda Islii uu hoos u dhigay ganacsigooda, ayna ciidamadu galayaan goobaha ganacsiga iyagoo aan sharci u haysan.
Ganacsade ka mid ahaa guddiga ayaa isaguna sheegay in ciidamadu ay dadka Soomaalida ah beegsadaan, qofkii ay qabtaanna ay ka qaataan lacago sharci-darro ah, waxayna guddigu dalbadeen in arrintaas wax laga qabto.
Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Xaaji ayaa ka dalbaday guddiga inay u soo gudbiyaan ciidamada dhibaatooyinka ku haya ganacsatada iyo shacabka Soomaalida ah ee ku nool Islii isagoo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono.
Mudane Aadan barre oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inaysan xaq u lahayn dowladda Kenya inay dadka Soomaalida ah oo dhan tiraahdowaa inay dalka ka baxaan, wuxuuna xusay in cabashadooda ay u gudbin doonaan baarlamaanka Kenya si wax looga qabto.
Ugu dambeyn xildhibaanad Safiyo Cabdinuur ayaa iyaduna sheegtay in looga baahan yahay Kenya inay xushmeyso shuruucda qoxootiga dunida oo aysan ka saarin dalka Soomaalida oo dhan, waayo dadka Soomaaliyeed waxay wax ku leeyihiin dalka Kenya.
Cabashada ganacsatada ay u gudbiyeen wasiirrada iyo xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay dowladda Kenya ku amartay Soomaalida inay xeryaha qoxootiga ku laabtaan, sidoo kalena ay ciidamada Kenya howgallo xooggan ka wadaan xaafadda Islii oo ay Soomaalidu degto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Xukuumadda Soomaaliya oo ka dalbatay Dowladda Turkiga inay Soomaaliya ka dhisto Jaamacado iyo Isbitaallo
1/4/2013 12:24 PM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Wasiirradda wasaaradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed ayaa ka dalbatay dowladda Turkiga inay Soomaaliya ka hirgeliiyaan jaamacado ay wax ku bartaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo isbitaallo lagu daweeyo bukaannada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo soo bandhigay Badmaaxiin ku afduubnaa gudaha Soomaaliya Muddo Sannado ah
1/4/2013 11:51 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay saddex badmaaxe oo tan iyo dhammaadkii sannadkii 2010 afduub loogu haystay gudaha Soomaaliya, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu sheegay inaysan jirin wax madaxfurasho ah oo lagu soo daayay la-haystayaashan.
Madaxweynaha Galmudug oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynihii hore ee Puntland
1/4/2013 11:50 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa maanta Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kula kulmay madaxweynihii hore ee Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi iyo mas’uuilyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland, isagoo kala hadlay iskaashi dhexmara labada maamul iyo adkeynta amniga gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo falal ammaan-darro ay ka dhacaan.
U gargaar Zakeriye iyo Cabdiweli oo ah laba wiil oo ku xanuunsan Muqdisho dalkana wax looga qaban waayay
1/4/2013 9:23 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Cudurada haya labadan wiil oo u baahan inay helaan daweyn dibadda ah ayaa keenay inay noloshoodu ay adkaato, iyadoo waalidiintooda oo kasoo jeeda qoysas sabool ah ay awoodi waayeen inay Caruurtoodan u helaan adeeg caafimaad oo dibadda ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo sheegay in Askarigii shacabka dhibaato u geysta ciqaab adag la marin doono
1/4/2013 8:09 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliay, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in ciqaab adag la marsiin doono askarigii dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ciidamada ay ku dhex-jiraan ciidammo doonaya inay sumcadda ciidanka xumeeyaan.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo ka warbixiyay Heshiis dhex-maray Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan
1/4/2013 1:29 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyay heshiisyo dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan, kaddib booqasho laba maamood ah oo uu dalkaas ku tagay.
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo weeraray Koontaroollo Boosaaso ku dhow iyo Xiisado ka taagan Puntland
1/4/2013 1:09 AM EST
Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee saldhiggoodu yahay buuraha Gollis ayaa xalay weerarro ku qaaday koontaroollo ku yaalla duleedka Koonfureed ee degmada Boosaaso, kuwaasoo dhaliyay khasaare kooban.
Somali News
United States is set to Chair Counter-Piracy Contact Group
-
HOL
1/4/2013 8:51 PM EST
In a statement released by the U.S. Embassy in Nairobi, the US, which chairs the Counter-Piracy Contact Group (CPG), noted significant reductions in attacks and hijackings. The CPG called for a renewed international commitment to combating piracy through military, law enforcement, and development activities.
1 million displaced inside Somalia, charitable agency reports
-
CatholicCulture
1/4/2013 12:03 PM EST
More than 1 million of Somalia’s people are displaced, according to a Caritas Somalia report. The Catholic charity estimates that 1 million people are living in refugee camps inside Somalia...
Suffern Students See Somali Students Up Close
-
SV
1/4/2013 11:55 AM EST
Suffern Middle School students are using videoconferencing to learn about the ultimate act of bullying — genocide. In a project closely tied to the sixth-grade curriculum, Barbara Biddy and Jennifer Fruhling’s sixth-grade classes are taking part in the One Million Bones project...
Somalia keen on reintroducing currency
-
AfricaReview
1/4/2013 11:16 AM EST
Somalia’s economy will soon enjoy the benefits of trading in several denominations of the Somali shilling. The East African country which is in the process of reconstruction after a decade of civil war has been trading in US dollars after its currency lost value due to instability.
Applicants for Canadian visas will be checked against U.S. databases
-
Globe&Mail
1/4/2013 10:49 AM EST
Almost all applicants seeking a visa to enter Canada will have their identity checked against American immigration databases to see whether they have been previously blacklisted, under a bilateral treaty signed with little fanfare last month.
Man charged with setting Rogers Park fire that killed one not guilty
-
Chicago SunTimes
1/4/2013 2:04 AM EST
A Somali immigrant charged with setting fire to his neighbors’ Rogers Park apartment — killing one person and injuring five others — was found not guilty by reason of insanity on Thursday.
Zambia: Somali appears for murder case
-
ZDM
1/4/2013 1:52 AM EST
THE case in which a Somali national is charged with murder has been adjourned to January 16, 2013 for mention and possible committal to the High Court.
IOM Procurement
-
IOM
1/4/2013 12:18 AM EST
In the past two years, the Transitional Initiatives for Stabilization (TIS) funded by USAID and implemented by IOM, in partnership with the Benadir Administration,