3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2013
UNHCR oo sheegtay in Qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira Xeryaha Qoxootiga Kenya ay doonayaan inay ku laabtaan dalkooda
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Hay’adda Qoxootiga Dunida ee UNHCR ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ay doonayaan inay dib ugu laabataan dalkooda, kaddib labaatan sano oo ay xeryahaas ku jireen.

UNHCR ayaa sheegtay in Qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku sugan inay muujinayaan sida ay u doonayaan in dib loogu celiyo gudaha dalkooda, gaar ahaan gobollada Koonfurta oo ku jirto Muqdisho.

Mas’uuliyiinta sare ee UNHCR ayaa ku sheegay warbixin ay Arbacdii lasoo dhaafay soo saareen ayay ku sheegtay in qoysas tiradoodu dhan tahay 18 oo ku nool xeryaha Dhadhaab ay doonayaan in dib loogu celiyo dalkooda, iyagoo sidoo kalena xaqiijiyay sida ay diyaarka ugu yihiin inay wareejiyaan warqadihii macluumaadka oo ay ku qaadan jireen raashiinka qalalanaa ee ay hay’addu siin jirtay.

”Tani waa astaan muujinaysa rabitaanka ay Qoxootiga Soomaalida ah u qabaan in dib loogu celiyo dalkooda,” sidaasi waxaa lagu sheegay warbixinta xaaladda qoysaska waydiistay hay’adda UNHCR ee dalbaday in dib loogu celiyo dalkooda Soomaaliya.

Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ku nool in ka badan nus malyuun qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ka cararay colaadaha iyo abaaraha dalka ka taagnaa labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Balse waxaa muuqatay inay dooranayaan hadda inay dib ugu laabtaan dalkooda.

Hay’adaha gargaarka ayaa ku sheegay dib u laabashada qoxootigan inay ku timid ammaanka deegaannada Koonfurta Soomaaliya oo soo hagaagaya iyo iyagoo qoxootiga ay doonayaan inay beertaan dhul beereedkoodii oo ay ku waayeen abaarihii xoogganaa ee dalka ku dhuftay sannadihii lasoo dhaafay.

Go’aanka ay qoxootig Soomaalida ku dalbanayaan in dib loogu celiyo dalkooda hooyo ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay dowladda Kenya amar ku siisay qoxootiga ku nool magaalooyinka waaweyn inay dib ugu laabtaan xeryaha Qoxootiga, taasoo ay kasoo horjeesteen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
1/31/2013 12:40 PM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayay hadal uu Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku sheegay in aqoonsigii uu siiyay Mareykanka dowladda Soomaaliya aanu quseyn Somaliland.

1/31/2013 10:15 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo dhaweysay dib u soo laabashada xiriirka u dhexeeya dalalka Shiinaha iyo Soomaaliya, kaasoo soo billowday sannadihii lixdameeyada.

1/31/2013 9:07 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay xeerka anshaxa ururada siyaasadda ee ka qayb-gelaya doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland.

1/31/2013 9:00 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Dadweynaha Somaliland ayaa qaadan la’ warka ku saabsan amni-darrad ee kasoo baxay dowaldda ingiriiska ee ay shacabkeeda uga digtay in ay kasoo baxaan Somaliland, taasoo dadku badi is-waydiinayaan ujeeddada uu Ingiriisku ka leeyahay inuu ku sheego amn-daro Somaliland, hase yeeshe illaa hadda aanay helin jawaab ay ku qancaan.

1/31/2013 8:52 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa shalay ka furmay shir-weynaha 1-aad ee urur-siyaasadeedka Horseed. Munaasabaddii shirka lagu furayey oo ahayd mid si weyn loo soo agaamisyey, islamarkaana ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacadda PSU, waxaa kasoo qayb galay madaxda sare iyo xubnaha ururka.

1/31/2013 5:57 AM EST
Khamiis, Jannaayo, 31, 2013 (HOL) -- Saraakiisha ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa markii ugu horeysay magaalada Baladweyne tababar uga furay haween ka mid noqonaya ciidamada militariga dowladda Soomaaliya.

1/31/2013 5:40 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) —Wafdi uu horkacayo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goordhow gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.

1/31/2013 1:41 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Belgium ayaa faahfaahin ka bixiyay kulammo uu la yeeshay madaxda Midowga Yurub, kuwaasoo looga hadlay sidii dowladda uu hoggaaminayo gacan looga siin lahaa dib-u-dhiska dalka.